Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka oo la kulmay Danjireyaal fadhigoodu yahay Muqdisho

Date:

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga iyo Danjireyaasha dalalka Ingiriiska Mudane Ben Fender iyo Talyaaniga Mudane Carlo Campanile.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Lataliyaasha Madaxweynaha ayaa laga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo mideynta dadaallada wax ku oolka ah ee ku qotoma dowlad dhisidda iyo dib u dhiska dalka.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireyaasha dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ay ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo dib u heshiisiinta, isagoona tilmaamay in ay muhiim tahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran.

Ku Xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa uga warbxiyey Agaasimaha Madaxtooyada doorka ay ku leeyihiin taageeridda iyo hirgelinta barnaamijyada bani’aadamnimada, mashaariicda iyo adeegga horumarineed ee ay gacanta ka geysanayaan.

Dhankooda, Danjireyaashu ayaa uga mahad celiyeen Agaasinka Madaxtooyada soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay garab ugu siinayaan gudashada waajibaadkooda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...