Home Blog Page 1048

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Muwaadiniin Guryahooda Sifo sharci darro ah looga heystay Dib ugu celisay.

0

Muqdisho (SNTV)- Muwaadiniin Soomaaliyeed oo looga heystay guryahooda sifo sharci darro ah wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladii dhexe ayaa maanta laba kamid ah qoysas sugaya fullinada Maxkamadda Gobalka Banaadir lagula kala wareejiyay guryahooda oo ku kala yaalla degmooyinka Dharkenley iyo Kaaraan .

Maamulada degmooyinkaas, ciidamada Amniga ee loo Xilsaaray fullinada Maxkamadda Sargaal uqaabilsan gobalka howlaha fullinta iyo guddoomiyaha Maxkamadda ayaa goob joog u ahaa hubinta in lagu simo guryahooda si nabad galya ah muwaadiniintan loo awood sheegtay.

Garyaqaan Muuse Macalin Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray kuwa ku howlan marin habaaninta hey’adaha cadaaladda, isaggoo Dhinaca kale  ugu baaqay haldoorada bulshada in ay ka qeyb qaataan wacyi-gelin dadweynaha.

Saado Cali Ibraahim iyo Caaisha Sheikh Abuukar ayaa ka mahad celiyay kaalinta Dawladda ka qaadatay dib uhanashada hantidooda.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay ka mid noqoshada JFS ee Cahdiga Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada

0

Muqdisho (SNTV)- Juun 20, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada.

Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare akhrinta, falanqaynta iyo ansixinta Heshiiskan oo waxtar u leh dhismaha Hay’adda Naafadaqa Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018 in ay ka mid noqotay Cahdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah, kaddib markii Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumaddu ay ku saxiixday Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Baarlamaanka Carabta oo Kenya ugu baaqay in ay Faraha kala baxdo Biyaha Soomaaliya

Qaahira-(SNTV)-Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed.

Baarlamaanka Carabta ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada beenta ah ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku calaamadaysato Baadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Baarlamaanka Carbeed ka hor yimid Fara gelinta arrimaha Soomaaliya iyo in lagu xad gudbo arrimaha gudaha ee Dalkeeda,mabaadii’da deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale Dowladaha Carbeed ugu baaqay in ay Soomaaliya Garab istaagaan, oo dedaal ugu jirto sugidda amniga iyo sidii ay u cirib tiri lahayd argagixisada.

Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta oo turjuman ayaa u qornaa sidan.

Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyaddeeda, milgaheeda, Beri, Bad iyo Cir , waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo Biyo Goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog, sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga.

Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul insaanka.

Dawladda Soomaaliya oo Digniin u dirtay Dadka ka Shaqeynaya Ficilada Dhaawaca ku ah Qaddiyadaha Lama taabtaanka ah ee Qaranka

Muqdisho (SONNA)- Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Caawa War-saxaafadeed ay soo saartay waxaa Digniin loogu diray  Dadka ka Shaqeynaya Ficilada Dhaawaca ku ah Qaddiyadaha Lama taabtaanka ah ee Qaranka.

Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka.

WAR-SAXAAFADEED sax

Horseed iyo Dekadda Kulanka Hogaanka Horyaalka Soomaaliya

Dekadda iyo Horseed ayaa wada Ciyaari doona  kulanka ugu adag todobadkaan waana kulan uu ku xiran yahay Cida sida rasmiga ah kula wareegi lahayd Hogaanka Horyaalka Soomaaliya.

Labadaan kooxod ayuu u dhexeyay tan iyo bilowgii horyaalka Soomaaliya hogaanka Horyaalka Soomaaliya mar waxaa qabaneysay Horseed marna waxaa haysay Dekadda hase yeeshe waa labada kooxod ee loo saadalinayo ku guuleysiga horyaalka Soomaaliya sanadkaan 2019.

Labadii sano ee la soo dhaafay Kooxda Dekadda ayaa u dabaal degtay hanashada Horyaalka Soomaaliya waxaana u suurta geliyay Macalinka Kooxdaasi Yuu Cali, sidoo kale kooxda Dekadda 20 sano kadib ayeey u dabaal degtay Horyaalka Soomaaliya sanadkii 2017 ayadoo kii xigay ee 2018 ay ku guuleysatay hase yeeshe labadii sano ee la so dhaafay ayaa Horyaalka waxaa isku soo sharaxday Kooxda Horseed oo qarash fara badani la geliyay kadib markii kooxda waqti fara badan aysan ku guuleysan Horyaalka Soomaaliya waxaase haatan ka go,an Masuuliyiinta ugu sareysa ee Militariga in Horseed ay ku soo laabato sidii ay ahaan jirtay xiligii dowladii Militariga xiligaasi oo ay ahayd kooxda ugu guulaha badan gudaha dalka oo walina ay ka mid tahay kooxaha ugu guulaha badan gudaha dalka iyo dibadaba.

Kulankii ugu danbeyay oo ay wada ciyareen lugtii hore ee Horyaalka Soomaaliya Dekadda waxay ku guuldareysatay hal gool oo ay ugu adkaatay Horseed hase yeeshe kulamada ay kulmeen labada kooxod ayaa ah kuwa aad badan balse tobankii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen ayaa waxaa dhanka guulaha badan oo kooxda Dekadda inkastoo shantii kulan ugu danbeysay oo ay wada ciyareen labada kooxod horyaalka Soomaaliya  kooxda Horseed ay guulo badan tahay hadane waa labada kooxod ee loo maleyn karo in Horyaalka ay ku guuleysan karaan.

Halkaan kaga bogo tobankii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen Horyaalka Soomaaliya Horseed iyo Dekadda.

W/D Axmed Salaad Shiikhow

Taxanaha Todobaadka Xorriyadda (Taariikhda AUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal)

0

Allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ku dhashay 1928 magaalada galbeed ee Oodweyne sanadkii 1928-kii, ka dibna qeyb ka mid ah oo ka mid ah British Somaliland. Waxbarashada dugsiga hoose oo uu Cigaal ka bilaabay dugsiga hoose ee Berbera iyo Burco. Waxaa kale ee uu wax ka bartay Dugsiga Sheikh Intermediate School ee Sheekh, ka dib markii uu ka qalin-jabinta waxa uu aaday Cariga England si uu waxbarashada dheeraad ah ugu soo qaato halkaasi, Yaraantiisii wuxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur’aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.

Waxbarasha sare ayuu u tegay oo la xiriirtay xagga ganacsiga Magaalada London, ee Waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horraantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosneyd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.

Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo Xoghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Gobolada Waqooyi, bishii May 12-keedii, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Gobolada Waqooyi ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markii ay ahayd 26-ka Juun ee sanadka 1960-kii, waxaana Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, Rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaha u naxariistee wuxuu noqday hoggaamiyihii u horreeyey ee Gobolada Waqooyi, kadib markey xornimadeeda gaartay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii, Khudbad dheer oo taariikhda ku xusan oo Cigaal u jeediyey golihii wakiilada ee Gobolada Waqooyi sanadkii 1960-kii, markii xornimada uu soo sexeexey waxa kamid ah ahaa ereyadeedii, “Waxay ila tahay in la wada maqlay koloneel secretary-ga waxa ay jawaabtiisi noqotay, arinkii sidii aynu doonaynay inuu u dhacay inaad kulligiin ka wada dharagsan tihiin baan u malaynayaa. Maalintii aanu nimi ee Isniintii ayaanu hadalkii istaarnay markaa waxaa weeyaan in Dawladda Ingiriska ay awalba u sii go’neyd waxa ay doonayaan inay ina yiraahdaan, hasa ahaatee midbaa meesha ku jirtoo waxaa la hubinaayay, waxan la doonayo ee dawladnimadan la doonayaa in ay tahay mid dadku wada doonayaan, dad u qalmana gacantooda ay galayso inay tahay ina kale ayaa la hubsanaayay.

Markii taasi caddaatay maalintii Arbacadii galinkii dambe ayuu yimid koleneel secretraygii Markaa dabadeetan khudbaddan imika la sheegayo ayuu akhriyay, hadalka waxa weeye guntiisi bishaa July kowdeeda, inaynu dawlad ahaanno si aynu walaaladeenn Soomaaliya isu raaci karno ayuu guntiisi noqday.Markey taariikhdu ahayd 1dii Luuliyo 1960kii waxaa midoobay goboladii waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya halkaasi ooy ka dhalatey Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa markiiba talada wadanka loo caleemo saaray Mudane Cabdullaahi Ciise iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xubno kale oo ka kala socday labada deegaan ee midoobay. Markey taariikhdu ahayd, 20kii Luuliyo 1961kii waxaa la ansixiyey Dastuurka Soomaaliya (1961).

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markii uu yimid Muqdisho isaga Guddi kale oo loo xilsaaray inay Calanka Soomaaliya geeyaan Koonfurta Soomaaliya oo iyana markaasi Xorriyaddii ka qaatay Gumeystihii Talyaaniga ayaa waxaa la isku raacay in loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda cusub ee Soomaaliya C/laahi Ciise halka Raiisul-wasaarana loo magacaabay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 26-kii Juun sanadkii 1960-kii, waxayna xilka hayeen ilaa iyo 1-dii Luuliyo 1960-kii.

Xilalkii ugu muhiimsanaa ee Cigaal soo qabtay waxaa ka mid ahaa: wuxuu noqday Wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horreeyey Soomaaliya, kadibna C/rashiid oo ra’iisal wasaare ahaa ayaa isku shaandheeyay golihii Wasiirada,ka dibna Cigaal waxa uu noqday wasiirkii waxbarashada, bartamihii 1962-kii ayuu iska casilay jagadaa kadibna isaga iyo Sheekh Cali Ismaaciil Yacquub iyo Sheekh Cali Jimcaale ayaa waxay aasaaseen xusbigii SNC, markii dambena wuxuu ku biiray xusbigii SYL.

10-kii July 1967-kii, wuxuu noqday Cigaal ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma’arke loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya, Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra’iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii, balse 21-kii Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xiray, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-kii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka yareyd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-kii, oo mar loo magacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.

1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.

W. D: C/laahi Ruush

 

Bandhiga wax soo saarka oo lagu soo gabogabeeyay Muqdisho

0

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Bandhigga wax soo saarka Dalka, waxaana intii uu socday looga dooday caqabadaha ku hor gudban, fursadaha horyaalla iyo sida loo xoojin karo shirkadaha ka ganacsada Ilaha dhaqaalaha Qaranaka sida Beeraha, Kaluumaysiga iyo xannaanada Xoolaha.

Kulankan oo Laba Cisho socday ayaa waxaa soo qaban qaabiyay mashruuca kobcinta ganacsiga iyo shaqa abuurka ee hey’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareekanka (USAID), iyadoo dooddaasina ay qeyb ka ahaayeen madax, khubaro iyo aqoonyahanno.

Xildhibaan Sakariye xaaji Maxamuud  Cabdi, oo ka tirsan Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay wax ka beddalka habka wax soo saarka, gaar ahaan xannaanada Xoolaha oo waqti dheer ku tiirsan Roobka.

Agaaismaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya , Maxamuud Maxamed Maxamuud , ayaa ujeedka Dowladdu ka leedahay Bandhigan ku tilmaamay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqa abuurka Bulshada.

Gabagagabda bandhigan ka qeyb galayaasha waxa ay sheegeen in uu ahaa mid u suurta galiyay soo gudbinta wax soo saarkooda iyo in ay kala faa’iideestaan, maadaama ay ka kala yimaaddeen Goballo kala duwan.

Wargalin: Warbaahinta Qaranka ayaa soo bandhigtay shaqooyin ka bannaan

0

Warbaahinta Qaranku waxay raadinaysaa laba (2) barnaamij soosaarayaal iyo hal (1) video editor oo xirfaddoodu sarreyso.

 

Shuruudaha barnaamij soo saaraha(Program Producer)

 

1.   In uu leeyahay xirfad sare oo la xiriirta curinta, qorsheynta iyo soosaarista barnaamijyada gaar ahaan Documentaries-ka.

2.     In uu aqoon buuxda u leeyahay habka wax loogu qoro Telefishan  ama muuqaal (Script for TV).

3.     In uu Barnaamijyo iyo documentaries ka soo sameyn karo dhammaan gobollada dalka iyo meeshii kale ee loo baahdo

4.     In uu leeyahay khibrad shaqo oo aan ka yareyn 3 sano.

5.     In uu keeno nuqulka barnaamij uu horay u sameeyey.

 

Shuruudaha Video Editor-ka

 

1.     In uu  xirfad buuxda u leeyahay jarjarista muuqaallada.

2.     In uu aqoon u leeyahay isticmaalka barnaamijyada iyo Softwares-ka loo adeegsado jarjarista muuqaallada

3.     In uu leeyahay khibrad aan ka yareyn 3 sano oo la xiriirta video editing.

4.     In uu keeno nuqul ka mid ah barnaamij uu isagu edit gareeyay

 

Qabashada codsiyadu waxa ay ku egtahay 02/07/2019.

 

Codsiyada iyo CV-yada waxaa lagu soo hagaajin karaa emailka: hr@moi.gov.so

Wasaaradda arrimaha Gudaha XFS oo War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashada Galmudug

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadaba Halka Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Cilmi-baaris la sameeyay oo lagu ogaaday in ay jiraan faa’iidooyin laga helo la hadlidda qof aadan horay u aqoonnin

Inta badan dadku waxay waqtigooda qaataan iyaga oo ay ku hareereysan yihiin dad aysan aqoonnin ,haddii ay ahaan laheyd xilliga ay shaqadooda ku sii socdaan ,xilliga ay dukaameysanayaan ama xilliga ay joogaan meelaha lagu tamashleeyo.

Iyada oo ay sidaasi tahay, haddana dad badani ma sameeyaan is -dhexgal iyaga oo aaminsan in isu soo dhawaansho dhex mara dad aan horay isu aqoonnin uusan farxad gelineyn labada dhinac.

Aaminaaddaasi ma noqoneyso mid lagu marmarsiyoon karo, sida ay sheegeen aqoon yahannada cilmi baaristan sameeyay oo kala ah : 1) bare- sare nikolaas ibli ,oo ka tirsan jaamacadda shikaago (chicago) 2)iyo bare-sare juuliyaana, oo ka tirsan jaamacadda kalifoorniya.

Cilmi baaristan ayaa lagu sheegay in inta badan dadku ay yareystaan saameynta togan ee la xiriiridda dadka kale ay leedahay.

Faa’iidooyinka la ogaaday in laga helo la hadlidda qof aadan horay u aqoonnin waxaa ka mid ah.

1)  la hadlidda qof kugu cusub oo aad wada safreysaan waxa ay socdaalka ka dhigtaa mid raaxo leh. 2) la hadlidda qof aadan aqoonnin waxaa laga helaa fikrado iyo waayo aragnimo.

Gebagebidii ,maadaama aadanuhu uu yahay noole bulshay ah, la xiriiridda dadka kale waxay farxad gelisaa qofka, halka kalinnimadu ay u keento qofka khatar caafimaad oo u dhiganta tan laga dhaxlo sigaar cabista iyo barruurta oo jirka ku badata.

Xiriirka togan ee bulsho waxaa loo arkaa mid ka mid ah furayaasha farxadda  iyo xitaa inuu ka muhiimsan yahay xaddiga dakhliga ee qofka soo gala.

Xigasho: waxaan qormadan ka soo xigannay laanta afka Carabiga ee bii bii sii (BBC)

Tarjumaadda: waxaa tarjumay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.