FAALLO: Gaalkacyo Mideysan waa Soomaali Mideysan

Date:

Beryahaan waxaa socdaal shaqo ku kala bixinayay Deegaanno ka tirsan Gobollada Galguduud iyo Mudug Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna safar lugta ah ku oo kala bixiyay Magaalooyinka Dhuusa-mareeb, guri-ceel, Cadaado, Balanballe, Caabud-waaq, Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo la xariira dib u heshiisiinta, nabadeynta Deegaanada iyo Qarameynta Ciidamada.

Kadib Mudane Kheyre waxa uu u gudbnay Magaalada Gaalkacyo qeybta waqooyi ee Maamulka Puntland oo Ra’iisul-wasaaha si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana qeyb libaax ka qaatay Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo waxayna soo dhaweyntaasi ka dhacday garoonka kubbadda cagta Cawaale markii Ra’iisul-Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo socdaal ku soo gaaray dhanka Waqooyi ee Magaaladaasi.

Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan oo ahaa Ninkii Alifay Naqshadda Calanka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsan yihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada waqooyiga Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen ayaa ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood ka soo jeeday gobalka Mudug, wuxuuna aad ugu dheeraaday Taariikhda Magaalada Gaalkacyo iyo Halgamayaashii SYL ee ka soo jeeday Magaaladaasi.

“Halyaayadii Soomaaliyeed waxa ay nooga tageen in Quluubta Ummadda Soomaaliyeed marna xuduud kala yeelan Karin, Gaalkacyo waqooyi iyo Koofurba waa Soomaali oo aan la kala qaadi karin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, wuxuuna halheyskiisu ahaa GAALKACYOOY MA NABAD BAA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada, wuxuuna intaasi raaciyay ama uu yiri:- “Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug loogana dhigaayo sida ay ay rabaan, islamarkaana waxa uu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu Dhagax dhigay Hoyga Nabadda Magaalada Gaalkacyo, iyadoo Munaasabadda Dhagax dhiggaasi ay ka qeyb galeen Guddoomiyayaasha Gobalka Mudug iyo Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka dhacday qeybta Koofureed ee magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku ammaanay maamullada Labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug dadaalkooda ku aaddan nabadaynta waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan arrintaasi, si Guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya.

Raiisul-wasaaraha Xukuumadda oo aad ugu dheeraaday ammaanta Magaalada Gaalkacyo ayaa yiri:-“Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”.

Hoyga nabadda Gaalkacyo ayaa saldhig u noqonaya Dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka iyo Dadka sama-doonnada ah ee Bulshada isu soo duma, si sare loogu qaado is-dhex galka Bulshada, dib-u-heshiisiinta, loogana shaqeeyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba Shacabka iyo dowladda waxaa lagu micneyn karaa Wadnaha iyo Beerka qofka bini-aadamka, sidaasi awgeed lama kala qaadi karo Shacabka iyo dowladda, sidaasi awgeed waxaa la dhihi karaa:-“ Gaalkacyo Mideysan waa Soomaali Mideysan”.

W.D: C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...