Home Blog Page 1017

Wasaaradda Cadaaladda KGS oo soo xirtay tababar cadaaladda lagu hadlayay abo

0

Baydhabo (SNTV) -Tababarkaan maanta lagu soo gebe-gebeeyey magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka bay ayaa waxaa lagu baranayay sida loo keydiyo Galalka Feelasha ee Dacwadaha ee kiisaska ay qaadaan Maxkamadaha sharciga iyo Saldhigyada ciidamada Booliiska ee kuyaala magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Tababarkani oo ay taabagelisay Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda KGS iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP, iyadoo ay faa’iideeysteen dhammaan dadkii ka qayb galay oo ka kala socdey qeybaha kala duwan Maxkamadaha, Booliska, iyo Ciidamada Asluubta ee Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka KGS  Max’ed Deeq Cali Max’ed ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay ujeedada tababarka iyo waxyaabaha uu ku saabsan yahay. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada KGS mudane C/wahaab Max’ed Max’uud ayaa isagu soo xirey tababarka maanta.

wuxuuna uu ku booriyey dhamaan xubnihii ka qeyb galay in ay ku dhaqmaan wax yaabihii la barey ee uu ku saabsanaa tababarka.

Tababarka aqoon isweydaarsiga oo socday muddo 6 maalmood ah ayaa la soo gebogabeeyay magaalada Baydhabo.

Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda ayaa horey u bixisay tababaro noocaan oo kor loogu qaadayo howl-wadeennada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha xagga Cadaaladda.

Mareykanka oo dib u bilaabaya taageeradii uu siin jiray qeyb kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka.

0

Muqdisho (SNTV)-War ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa looga hadlay taageeradii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,taasi oo la hakiyay bishii December 2017.

Dib u bilaabidda taageeradii Dowladda Mareykanku ay siin jirtay qeybo kamid ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay muujinaysaa sida ay mira dhal u noqotay dib u habeyntii ciidamada lagu sameeyay iyo diiwaan gelintii lagu xaqiijiyay tirada iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Washington ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay ku bixisay dib u habeyntii ay ku sameysay ciidamada,kadib markii dowladda Soomaaliya ay sameysay diwaangelin ku aadn xaqiijinta ciidankaasi tirakoobkooda.

Sidoo kale Mareykanbka ayaa muujiyay sida loogu guuleystay Isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda ee dalka,taasi oo abuurtay in lagu kalsoonaan karo nidaamka ay dowladda Soomaaliya u dejisay sida loo maamulo dhaqaalaha ciidamada.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaana kaalintan Mareykanku uu qaadanayo ay dhiirogelinaysaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo dib u dhiska ciidanka.

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho

0

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho mudanayaal iyo Marwooyin

Aan fursaddan uga faa’idaysto inaan idinku soo dhaweeyo Villa Soomaaliya. Run ahaantii waan ku faraxsanahay inaan idinku martigeliyo halkan si aad noogala qayb qaadataan dabbaaldegga sannad-guurada 59-aad ee soo wareegtay madaxbannaanideenna. Soomaalida ku dhaqan daafaha caalamku waxay munaasabaddan qiimaha leh u dabbaaldagayeen toddobaadkii la soo dhaafay oo dhan. Waa damaashaad Soomaalida ugu suntan rajo iyo farxad.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guulo waaweyn intii aan talada hayay, walow ay caqabado jiraan.

Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) oo meel fiican maraya.

La dagaallanka musuqmaasuqa iyo dib u habaynta hannaanka dowladnimada ayaa dowladdeenu suurtageliyay inay si joogto ah u bixiso musharaadka shaqaalaha dowladda iyo in meesha laga saaro dhaqaalihii yaraa ee aan haysannay ee la lunsan jiray. Waxa intaasi dheer, dowladdaydu waxay ku guulaysatey inay xalliso god-daloolooyinka hannaanka maaliyadda. Waxaa naga go’an inaan Beesha Caalamka kala shaqaynno dib u habaynta hannaanka dowladnimada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Marka laga yimaaddo caqabadaha dhanka amniga, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal ifaya. Tan waxa caddayn u ah doonista xooggan iyo adkaysiga shacabkeenna oo si adag uga hor yimi argagaxisada. Mar labaad ayaan doonayaa inaan hoosta ka xarriiqo in Dowladda Soomaaliya ay ka guulaysanayso cadawgeeda, ayna ka go’an tahay inay horumar ka gaarto dhan walba.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan jeclaan lahaa inaan Beesha Caalamka uga mahadceliyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay ku kaalmaynayso shacabkeenna. Waxaan idiin sheegayaa inaan dadaalkiinnu noqon doonin hal bacaad lagu lisay. Taageeridiinnu waxay qayb libaax ah ka qaadatay horumarka aan gaarnay sannadihii la soo dhaafay. Halkan waxaan u joognaa inaan saaxiibadeenna caalamka kala shaqaynno sidii mustaqbal fiican loogu abuuri lahaa dadkeenna.

Ugu dambayntii, dowlad iyo shacabba waxa naga go’an inaan dalkeenna hore u dhaqaajinno, isla markaasna aan dhisno dal dhexdiisa nabad ah, dalalka deriskana nabad kula nool.

Taliyaasha Ciidammada Xoogga, Booliiska Iyo Asluubta oo gaaray Dhuusamareeb

0

Taliyaasha ciidanka xoogga dalka, Booliiska iyo Asluubta ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Taliyaasha oo ay la socdaan guddiga isku dhafka ciidanka qalabka sida oo hormuud uu u yahay wasiiru dowlalaha difaaca ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa fulinta amarkii Ra’iisul wasaaraha dalka oo ahaa in la qarameeyo ciidamada Ahlusunna iyo in laamaha amniga heer federaal laga howl geliyo Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan faray laamaha amniga dalka in sida ugu dhaqsaha badan ay uga howl galaan caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug si loo dhamaystiro qorshaha qarameynta ciidanka Ahlusunna looguna diyaar garoobo xoreynta deegaannada Galmudug ay Shabaabku uga suganyihiin.

 

 

Guddiyadii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo War-saxaafadeed soo saaray

0

Guddiyadii ka kala Socday Golaha Shacabka BJFS iyo Dowlad goboleedka Koofur-galbeed ee Maalmahaan ku Sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa Caawa Soo Saaray War-saxaafadeed

Carruur ay Maleeshiyada Alshabaab ka afduubteen Sh/Dhexe oo la soo bad baadiyay

0

Kooxda la magac baxday macawiisleyda ee ka howl gasha deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegtay in howlgal ay ka sameeyeen deegaan hoos yimaada tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadalle ay argagixisada Al-Shabaab uga soo furteen 11 caruur ah oo silsilado iskula xiran kuwaasoo ay si qasab ah uga soo kaxeysteen waalidiintood.

Maxamuud Cali Afrax oo ka mid ah mas’uuliyiinta kooxda Macawisleey ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkan ay fuliyeen kaddib markii ay ka warheleen xaaladda caruurtaasi.

“Waxaan kawar helnay inay jiraan caruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen, carruurtaas waxaa ay isku dayeen inay ka soo baxsadaan Al Shabaab balse markii ay kawar heleen baxsashada carruurta lugaha ayey silsilado uga xireen si-yasan u baxsan, dhankeena waan kawar helnay arrinkaas waana u gurmay waana soo furanay carruurtii balse hadda waxaan latacaaleynaa sidii silsilada carruurta looga furi lahaa labo labo ayey isugu xireen” sidaas waxaa sheegay Maxamuud Cali Afrax oo kamid ah Macawiisleyda dagaalka kula jira Al Shabaab.

Arintan ayaa qeyb ka ah tacaddiyada iyo gaboodfallada ka dhanka ah bani’aaddanimada oo maleeshiyaadka Al Shabaab looga bartay in ay kula dhaqmaan Shacabka Somaaliyeed

Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres.

Wasiir saalax ayaa ugau horrayn uga war bixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’anahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista dastuurka dhammaadka sanadkan.

Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

Sidoo kale, wasiir saalax axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Somaaliya noqoto dowlad hannaanka federalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro.

“Si Soomaaliya u noqoto dowlad federal ah oo demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagamamaarmaan ah in la dhamaytiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax axmed Jaamac.

Dhanka kale, Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta waxa uuna boqgaadiyay guulaha laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in qaramada midoobay ay sii wadayso taageeradeeda Somalia gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka oo uu shegay in ay muhiim tahay in la helo dastuur lagu heshiiyay.

Sidoo kale, wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimaha UNDP- Somalia Mr. Jocelyn Mason ee dhowaan la soo magacaabay, iyagoo kawada hadlay sida loo sii wadi lahaa wada shaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Dastuurka. UNDP ayaa ka teegeerta Somaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada casho sharaf lagu maamusayo toddobaadka xorriyadda ugu sameeyay diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka aan saaxiibbada nahay ee ka hawlgala Muqdidsho.

Madaxweynaha oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Soomaaliya iyo marxaladdii adkayd ee dalku soo maray isaga oo hoosta ka xarriiqay in waddanku uu hadda cagta saaray dhabbada xasilloonida iyo horumarka.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgeliso saaxiibtinnimada ay dalalka caalamka la leedahay isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya inta ay dowladdu garab ka helayso shacabka Soomaaliyeed ee adkaygsiga badan iyo saaxiibbada caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marti sharafta uga warbixiyay dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar waara isaga oo la wadaagay siyaasadaha hor-tabinta u leh dowladda ee dhinacyada amniga, hannaanka maaliyadda iyo siyaasadda loo dhan yahay.

“Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guullo waaweyn intii aan talada hayay. Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka oo meel fiican maraya.”

Madaxweynaha ayaa dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay guud ahaan Beesha Caalamka.

Munaasabadda casho sharafta waxa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Murshal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha JFS oo Kumanaan Shacab ah dabaal dega Munaasabada 1-Luulyo kala qeyb galaya Istadium Konis

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan ka qeyb galaya Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayo Kowda Luulyo,taasi oo ka socota Garoonka Kubadda cagta Stadium Konis ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ah mid loogu dabaal degayo 1da Luuliyo 1960kii oo aheyd maalintii xornimada iyo isku darkii koonfur iyo waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka,Saraakiil ciidan iyo kumanaan shacab ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka ka qeyb galaya munaasabaddan ka socota Garoonka Kubadda cagta ee Istadium Konis ayaa wajiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo hilowga ay u qabaan Soomaaliya oo mid ah oo horumar ku tallaabsata.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee wiilasha yo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka.

Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho si aysan kooxaha nabad-diidka ugu soo dhex dhuuman Shacabka dabaal degaya una dhibaateyn.

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada Kaga Qaybgalay Xuska Musaasabadda 1-da Luulyo ”Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorriyaddooda la soo laabteen, isla markaasna ay is-raaceen Koonfur iyo Waqooyi.

Madaxweynaha oo munaasabadda 1-da Luulyo khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku boorriyay inay ku fara-adaygaan midnimada, wadajirka iyo walaaltinnimada dhexdooda ah, kana qayb-qaataan dadaallada ay dowladdu ugu jirto dhisidda Qaran Soomaaliyeed oo maqaam sare ku dhex leh caalamka.

“Waxaan u dabbaal-dagaynaa sannad-guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii gobollada Koonfureed ay xorriyaddii ka qaateen Talyaaniga, Waqooyi iyo Koonfurna ay ku midoobeen hal dowlad, hal qaran iyo hal calan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka sheekeeyay doorkii ay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka Soomaaliyeed ka qaateen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya isaga oo u duceeyay halgamaayaashii naftooda u huray xorriyadda iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwenaha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalintii la gurtay miraha halgankii gobonnimo doonka ee ay ka qaybqaateen halyeeyada Soomaaliyeed kuwaas oo ku midaysnaa aragtida ah inay diidaan guumaysiga, gunnimada iyo quursiga isla markaana aanay oggolaan in cid kale ka sarrayso.

“Halgamayaashii gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi waxay ka midaysnaayeen guumaysi diid, waxay ka midaysnaayeen gunnimo diid, waxay ka midaysnaayeen quursi diid iyo in qofka Soomaaliyeed aanu oggolaan in laga sarreeyo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda ay midnimadu leedahay horumarka dalka isaga oo shacabka Somaliland ku ammaanay sidii ay wakhtigii israaca ugu tanaasuleen wadajirka ummadda, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay ka qanciso tabashooyinkooda si meesha looga saaro kala qaybsanaanta.

“Waxaan qabaa rajo fiican. Waxaan qabaa in Soomaali ay midoobi doonto, waxaana gacmaha u furaynaa walaalaheenna reer Somaliland ee ay aabbayaashood dhaliyeen midnimada.”

Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir.