Home Blog Page 1016

Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha oo faahfaahin ka bixiyay Saraakiil loo xiray wax is-dabamarin

0

Muqdisho- (SNTV)- Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; C/llaahi Xasan Bariise, ayaa sheegay in ay haatan socoto baarista dembiyo ku saabsan musuq iyo wax is daba marin lagu helay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda maaliyadda iyo Ciidankaa Booliska oo loo xiray wax isdabamarin.

Janaraal; Bariise, ayaa intaa raaciyay in barista oo iminka ka socota xarunta dembi barista ee CID-da ay meel wanaagsan marayso, natiijada kasoo baxana ay la wadaagi doonaan Maxkamadda awoodda u leh dhagaysiga kiiskaas.

Wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya uu muddo badan kusoo jiray kala dambayn la’aan, Maalinba maalinta ka dambaysana u tallaabsanayay isku tashi, isla markaana uusan aqbalayn in dhaqaalaha kasoo baxa ganasatada Guryaha iyo dakhli walba ee loogu tala galay in lagu maareeyo howlaha Dowladda in uu Qof gaar ah isaga tagri falo.

“Ma suuro galeyso mana dhici karayso, mana laga aqbali karo,Qofkii masaakiinta ahaa ee aad ogtihiin Hooyoyaashii Yaanyada ku gedaayay Suuqa iyo kuwa la midka ah ee Canshuur bixiyayaasha ah , wixii ay iyaga lahaayeen ee ay ugu tala galeen in dhaqaalahooda ay Dowladdu ku daboosho howlaheeda Qarannimadana lagu socodsiiyo, in Qof lagu aaminay inta soo qaato uu Jeebkiisa gashto, oo uu isagu ku manaafacaadsado ma yeeleyno, ayuu yiri Taliye Bariise.

Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; C/llaahi Xasan Bariise, ayaa Dadka caadeystay musuqa ugu digay in ay wax is-daba mariyaan, wuxuuna intaa raaciyay in Dalka uu kasoo kabanayo xilliyadii boobka hantida Dad weynaha, ciddii lagu helana ay mudan doonto ciqaabteeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr goor oo hore farriimo adag u dirtay Dadka caadeystay musuqa, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiin iyo Saraakiil kala duwan ku qaadday Kiisas la xiriira wax is-daba marin.

Dhagar qabe u kala gudbin jiray hubka fudud Alshabaab oo la xukumay.

Muqdisho (SNTV)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano  (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary  sanadkan kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka Dhagarta ah ku geystaan maleeshiyada.

 

Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore,  Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu  sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Kooxda Alshabaab.

Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u  kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu  ugu  kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafada  Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Maleeshiyada, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd  markii sedaxaad ay  suura gashay in ay  qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha  isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday  Boorsooyinka Xarragada.

Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer).

Bishii Afaraad dabayaaqadeedii  ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay.

Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u  horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay.

Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Maleeshiyada dilalka  gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan  geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed  aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.

Wakiillada Midowga Afrika iyo IGAD oo ka degay Dhuusamareeb lana kulmay Ra’iisul Wasaare Khayre+sawirro

Muqdisho-(SNTV)-Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo, ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo , ayaa markii ay gaareen Dhuusamareeb waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre oo degaannada Galmudug u jooga socdaal uu ugu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Wakiillada midawga Afrika iyo IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa boqgaadiyay dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu horumuudka u yahay ee dib-u-heshiiniista, dib-u-dhiska, u diyaar garowga loogu jiro doorashada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo qorshaha dib-u-habaynta Ciidanka.

Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo, ayaa Dhuusamareeb u gaaray in ay la socdaan hannaanka ay u socdaan dedaallada loogu diyaar garoobayo dhismaha iyo dhammaystirka hay’adaha Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Ahlu Sunna oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb-(SNTV)-Kulan ay Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka qalabka sida iyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca, ayaa looga hadlay sidii loo Qarameyn lahaa Ciidanka Alhu Sunna.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ku kulmay Magaalada Dhuusamaeeb ayaa hoosta ka wada xarriiqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo diiwaan geliyo Ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca.

Waxaa haatan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka soconaya qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu diiwaan gelinayo Ciidanka Alhu Sunna.

Taliyaasha Ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ee ahaa in la Qarameeyo Ahlu sunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga gun gaaraan, si loogu diyaar garoobo xoreynta degaannada ay haraadiga Al-Shabaab uga suganyihiin Galmudug.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaanada Adduunka ee ka dhacay Ruushka

0

Moscow (SNTV) Shirkii Madasha Baarlamaanada Adduunka ayaa lagu soo geba-gebeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka,ayadoo shirka intuu socday lagu falanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Adduunka ay ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka adduunka haysta.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hoggaaminayey ergada Soomaaliyeed ayaa shirka inta uu socday ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in lagu xaliyo Madasha Baarlamaanada Aduunka,taasi oo si weyn loo gorfeyeey intii uu socday shirkaasi.

Ergada Soomaaliyeed waxaa ay sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeesheen Guddoonada Labad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka,ayadoo ay labada dhinac isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ruushka.

Gabagabadii shirka waxaa ka hadlay Madaxweynaha Ruushka Fladamir Butin oo sheegey muhiimada iyo doorka Baarlamaanada Adduunka ee xalinta dhibaatooyinka jira.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal ku dilay 5 Maleeshiyo Shabaab ah iyo Horjoogahoodii

Muqdisho (SNTV) Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay Deegaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dilay shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo uu ku jiray horjoogihii argagixisada hogaaminayay.

Ciidammadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariiri ee Gobalka Shabeelaha Hoose, iyagoo xooraan ku helay in deegaanka Baladul Amiin  ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku suganyihiin, isla markaan ay dhibaato ay ka mid tahay dhac iyo qafaalasho ka wadaan deegaankaas.

Ciidanka lugta ee ka tirsan Xoogga dalka oo ka jawaabayay cabashada dadka deegaanka Baladul Amiin oo durba gaaray halkaasi, ayaa weerar aan waqti badan qaadan ku diley shan meleeshiyaadka Argagixisada ah iyo Horjoogihi watay kooxdaasi.

Saraakiisha Taliska Ciidanka lugta ee xoogga dalka ayaa ayaa balan qaaday in ay howlgalladan sifeynta ah laga soo jeesan doonin ilaa inta laga laga tirtirayo argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaysa meelo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Majirto wax khasaare ah oo gaaray dadka ku nool deegaanka Baladul Amiin oo horay dhibaato iyo qafaalba ugu haayeen argagixisada, balse ay ciidamada ku guuleysteen inay baabi’iyaan maleeshiyaadkii halkaasi dadka rayidka ah ku dhibeysay.

Deegaannada ay ciidamadu gaareen oo ay la wareegeen waxaa ka mid ah Tulooyinka Godale, Cadaleey, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Toora-Toorow ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa deegaanada kor ku xusan waxa ay dadka kaga qaadi jireen lacago baad ah, taasi oo ay ku bexeen ciidanka Xooga Dalka, kuwaasi oo weli baacsanaya firxadka Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada miyiga fog ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Shacabka ku nool deegaannada ay ciidamada xoogga dalka gaareen waxa ay tilmaameen inay aad ugu faraxsanyihiin sida ciidanka ay uga dulqaadeen argagixisada dhibaatada ku heysay, iyagoo balan qaaday inay la shaqeynayaan ciidamada xoogga dalka, si guud ahaan Gobolka looga cirib tiro maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo billad sharaf guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, islamarkaana uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen, wuxuuna ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay Mas’uuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka.

 

Madaxa Golaha Ciidamada Suudaan oo la kulmay Safiirka Soomaaliya ee dalkaas

0

Madaxa Golaha Ciidamada ku meel-gaarka ah ee   dalka Suudaan ayaa shalay oo Talaado ah  xafiiskiisa kula kulmay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya  oo muddo xileedkiisa dhamaaday.

Warsaxaafadeed  uu soo saaray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud ayuu ku xusay qoto dheerida  xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuuna intaasiraaciyay inuu kaga mahadcelinayo Madaxa Golaha Ciidamada, xukuumadda iyo shacbiga Suudaan, garab istaaggii iyo taageeradii  walaalahooda dhabta ah ee Soomaaliya, sidoo kalana ay Soomaaliya taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay walaalahooda Suudaan, wuxuuna Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud xiriirka labada dal ku tilmaamay mid soo jireen ah.

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya ayaa shacbiga Walaalaha ee Suudaan u rajeeyay midnimo ,wadajir iyo Xasillooni, Wuxuuna yiri “ qofka caaqilka ah waa kan ku tusaale qaata duruufaha dadka hareerihiisa la kulmaan” waxaana loo baahan yahay ayuu yiri in wax laga barto xaaladaha adag ee soo maray qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Suudaan.

Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud ayaa ugu danbayntii warsaxaafadeedkiisa ugu mahadceliyay xukuumadda iyo shacbiga Suudaan gacansiintii wanaagsanayd uu ka helay muddo xileedkiisii danjirannimo, Shacbiga Suudaanna wuxuu u rajeeyay degenaansho iyo barwaaqo.

Dowladda Soomaaliya oo guryo ku wareejisay qaar ka mid ah shacabka deegaanka Sabiib

0

Wafdi  isugu jiray wasiirro iyo xildhbaano oo uu hoghaaamineyy guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ibraahin aadan Cali Najax ayaa gaarey  deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi.

Ibraahim Aadan  Najax guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Radio-muqdisho u sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

“Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen Malleeshiyada arggixisada Ee Alshabaaab”. Ayuu yiri Gudoomiye najax.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali najax ayaa  Sidoo kale waxaa u Sheegey in deegaanka sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii.

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wada dadaaalo ku aadan sidii dhamaan goobihii laga xoreeyay maleeshiyad Al-Shabaab  loogu soo celin lahaa dhamaan adeegyadii aas-aasiga ahaa ee Maleeshiyada Shabaab ay ka go”doomiyeen Shacabka isagooo shacabkana u sheegey dhawan guud ahaan gobalka la xureyn doono argagixisAda.

 

Dekadda oo ku guuleysatay Horyaalka Soomaaliya Markii 3-aad oo is xiga

0

Kooxda Kubada cagta Dekadda ayaa ku guuleysatay Horyaalka Premier league Soomaaliya 2019.

Kulanka galabta dekadda ay ciyaartay ayaa ahaa kii ugu danbeyay waxaana ay ku hogaamineysay Horyaalka Soomaaliya 2 dhibcood oo quraa hadii barbaro ay geli lahayd oo ay soo badin lahayd Horseed waxaa uu noqon lahaa mid kulan kala bax ah loo qabto kooxaha dekadda iyo Horseed balse dekadda ayaa iska hor leexisay kooxda Dowlada hoose oo dhowaan ereyday macalinkii reer Uganda Hussien Mbalangu waxaana looga adkaaday 3-2

Sadexda gool  Dekadda waxaa u saxiixay Caadil catoosh iyo idiris aamin oo  dhaliyay goolkii sadexaad ciyaarta oo ahayd markaas 2-2

Macalinka kooxda kubada cagta dekadda Yuusuf cali nuur yuu cali oo markii sadexaad kula guuleystay kooxda dekadda Horyaalka Soomaaliya una suurta geliyay kii ugu horeyay 20 sano kadib   sadex sano ka hor ayaa ugu mahad celiyay kooxaha ka dhisan gudaha dalka in xiisaha iyo xamaasada hoyaalka ay sare u qaaden.

Dekadda waa markii sadexaad oo ay ku guuleysato Horyaalka Soomaaliya 2017 2018 2019 rikoor nuucas ah oo kale waxaa horey u dhigay Macalinka Dekadda yuu cali ayadoo uu yahay Ciyaryahan.

16 sano hor ayeey ahayd markii ugu danbeysay ooh al koox ay ku guuleysato horyaalka soomaaliya sadex jeer oo is xigta waxaana ay ahayd kooxda elman hada waxaa rikoor oo kale mar kale dhigtay kooxda Dekadda oo sidoo kale ku guuleysatay sadex jeer oo is xigta

 

W/D Axmed Salaad Shiikhow