Wasiir Maareeye oo kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta XFS ‘Sawirro’

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo maalmahan waday la tashiyo ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka (QHQ) ee 9-aad oo meel gabo gabo ah maraya.

Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa wasaaradda warfaafinta uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay ugu diyaarsan tahay qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9-aad, Isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Warfaafinta XFS oo wada shaqayn fiican la sameeyey Wasaaradda Qorshaynta .

Kulankan labada Wasiir ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala iyo Agaasimaha SNTV Mudane Liibaan Cabdi Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal guuleystay

Ciidanka Geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Ciidamadda Uganda...

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah ururada Siyaasadda dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Arrimaha guddaha oo qabtay kulan looga hadlayo Amniga goobaha lagu xusayo maalmaha xoriyadda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...