Home Blog Page 1009

Md. Dhuuboow ” Xujayda & Shirkadaha diyaaradaha waxay sanadkaan lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada”

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiir ku xigeenka WasaaraddaAwqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya Md. Cusmaan Aadan Dhuuboow  ayaa sheegay in Qorshaha Xajka ee sanadkaan uu  ka badalnaan doono kii sanadkii aan soo dhaafnay, iyadoo aan ka faa’idaysanayno wax badan oo horay u dhacay,waxaana sanadkii la soo dhaafay, wasaaradda Awqaafta iyo guddiga qabanqaabada Xajka ay dhaqangaliyeen        isbadadallo muuqda oo lataaban karo.

Mudane Dhuuboow oo  faahfaahinayay isbadallada  dhinaca Xajka ee sanadkaan la gaaray ayaa yiri, “Horumarada Sanadkaan aan taabba galinay waxaa ka midah xujayda safaradooda, deegaanada ay degi doonaan xujayda oo ahayd meelo masaaafo ahaan ka fog xaramka waxaan hadda fududaynay inaan u  diyaarinay deegaanno Xaramka u dhow”

Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu tilmaamay in habraaca dhinaca Socdaalka xujayda uu soo maray  heerar kala duwan,xilliggii hore waxay ku koobnayd labada shirkadood ee Daalo iyo Jubba, sanadkii dhawaa waxaa ku soo biiray 3da shirkadood ee Ocean, Afrika iyo Freedom, sanadkaana waxaa xujayda u adeegi doona 11 shirkado diyaaradeed.

Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. waxaana kor loo qaaday lana fuudeeyay Socdaalka martida Alle  ugu baqoolayaan Goobaha barakaysan

Md.Dhuuboow mar uu ka hadlay adeegyada muhiimka ee wasaaradda  Awqaafta iyo arimaha diinta u qabatay xujayda wuxuu tilmaamay in xafiiska wasaarada lagu daabici doono viisaha taasi oo uu sheegay inay dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda soomaaliyeed.

Sidoo kale mudane Dhuuboow wuxuu sheegay intirada xujayda Soomaaliyeed ka xajinaya gudaha dalka in ay sanadkaan gaarayaan Kow iyo toban kun iyo shan boqol oo xaaji,(11500) kuwaasi oo dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda diinta iyo Awqaafta u diyaarisay adeegyada muhiimka ah ay u baahan yihiin

Wasiirku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkan shirkadaha diyaaradaha iyo xujaydaba ay lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada,arintaasi wax wayn ka badali doona dhibaatooyinkii jiray, islamarkaana lacagihii gacanta lagu qaadi jiray ay mari doonaan nidaam Bangi

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar

0

Jowhar (SNTV):- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James swan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowladd Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle ,madaxweyne ku-xigeenka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar si weyn ugu soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaalia oo booqasho ku tagay caasimadda Hirshabeelle.

Wakiilka ayaa kulan kula qaatay magaalada Jowhar Madaxda Hirshabelle iyada oo laga wada hadlay Xoojinta iyo wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Mr. Benjiamin.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalacsiiyey Saraakiil ka tirsan Booliska

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakishanl ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah Taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed  Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudan Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqisho Eng. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisoow, Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C.laahi Xaamud,Taliyaasha Ciidamada iyo Marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho.

“Ciidanka Booliska waa kuwa aan ku hurudno oo har iyo habeenba u taagan badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, In la abaal mariyo oo la dalacsiiyo waxa ay tilmaam u tahay shaqada adag ee ay ka qabteen Amniga Caasimadda”. Sidaasna waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing Yariisow oo ka qeyb galay Munaasabada lagu dalacsiinayey Saraakiisha Ciidanka Booliska dalka.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Saraakiisha la dalacsiiyay.

Mahad Cabdi Cumar Korow (Gaashaanle)

Axmed Qadar Maxamed Xasan (Gaashaanle)

Taliye Mooshin (Gaashaanle)

Yuusuf Maxmed Cali Xundubey(Gaashaanle Dhexe)

Bashiir Durqun (Gaashaanle)

Farxaan Maxamuud Aadan (Gaashaanle)

Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)

Maxamed cabdiqaadir Xaaji Jeego (Gaashaanle Sare)

Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guuto).

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis Xooggan ka wada waddooyinka Caasimadda

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ku boggaadiyey shaqada adag howlwadeennada Dawladda Hoose ee gacanta ku haya dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Caasimadda, kuwaas oo isugu jira jidad Laami cusub la saarayo iyo jid-caddeyaal muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saaray dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah Caasimadda, gaar ahaan jidadka iyo xarumaha Maamulka, si loogu dhaweeyo shacabka adeegyada ay bixiso Dawladda Hoose.

Waddooyinka laamiga ah ee dhismahooda lagu guuleystay muddo sanad iyo bar ah ayaa gaaraya sagaal, kuwaas oo kala ah: Dabka ilaa Bakaaraha, dhameystirka waddada 30-ka, waddada Hotel SYL ilaa isgoyska Xamar-Jajab, waddada Dekedda ilaa Via Roma, waddooyinka Jazeera, Liido, Shingaani iyo Gen. Daud.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa sheegay in hadda ay socdaan dhismaha jid caddeyaal dhowr ah, kuwaas oo laga hirgelinayo degmooyinka, Kaxda, Waaberi, Heliwaa, Dayniile, Wadajir, Dharkinleey, Yaaqshiid iyo degmooyin kale.

Eng. Yarisow ayaa xusay in qorshaha sanadkan ugu jirto fulinta mashaariic kala duwan, si shacabka loogu dhaweeyo adeegga, una dareemaan in maamulka ay iyagu leeyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumarka socda, ayna ula shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Maamulka.

Duqa Muqdisho oo bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga Caasimadda ayaa bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda.

Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah burcadda hubaysan oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deynile.

Taliska ayaa sheegay in Isbitaalka Madiina uu ku dhintay mid ka mid ah  raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, kadib dhaawaca ka soo gaaray  hawlgal ay ka sameyeen ciidamadda  Amniga ee dagmooyinka gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda.

“Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaaka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka.

Diyaargaroowga Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Ka socda Degmada Ceel-barde “Sawirro”

0

Ceel-berde (SNTV)-Qaban-qabada diyaargaroowga imaatinka Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha Maamul Goballeedka Koonfur Galbeed ayaa si habsami leh uga socota magaalada Ceel-berde ee Gobalka Bakool xilli halkan lagu wado in ay ka dhacdo doorashada Golaha Deegaanka ee maamul daadejinta awoodaha dowladaha Hoose ee Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulankani oo ay ka qeyb galeen  Maamulka Dhallinyarada Degmada Ceel-berde ee gobalka Bakool islamarkaana ay ka qayb galeen afhayeenka Ururka Dhallinyarada Ceel-barde Siiye Mahdi Salaad, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mustaf Sh. Cabdullaahi ‘Adaf’ iyo Ururka Haweenka Degmada Ceel-berde.

Afhayeenka Ururka Dhallinyarada Ceel-barde Siiye Mahdi Salaad oo ka hadlay howsha diyaargaroowga imaatinka wafdiga Madaxweynaha Maamul goballeedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu soo booqdo degmada Ceel-berde waxaana uu sheegay in tahay fursad weyn ee muujinaysa sida ay uga go’antahay maamulka inuu waxqabad muuqda iyo horumar gaarsiinayo deegaannada degmooyinka gobolka Bakool.

Afhayeenka oo ka hadlayay kulanka ayaa rajo iyo mustaqbal wanaagsan ka muuqatay Imaatinka wafdiga Madaxweynaha oo lagu wado in berito isniinta uu soo gaaro Ceel-berde.

Side Mahdi ayaa yiri “Dadka Ceel-berde waxay u tahay sanadguurro waa xilligii u nasoo boqday madaxweyne Maxamed Siyaad Barre isaga kadibna maanan arag madaxweyne Ceel-Barde Yimaada, sanadguur ayay noo tahay imaatinkiisa” Sidoo kale, waxaa gebogebo maraya howlaha dhismaha hoolka shirarka lagu wado in lagu qabto maalmaha nasoo aadan halkaasi oo ay dadka deegaanka kaga qayb gali doonaan doorashada gole maamul degmo o markii ugu horreeysay ka dhacdo Ceel-berde ayaa ah degmadii labaad ee Gobalka Bakool oo loo diyaariyo doorasho gole deegaan iyadoo horey looga sameeyay degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool iyadoo ay degmada Berdaale oo ka tirsan Gobalka Bay ay ka dhigeyso degmadi saddexaad ee uu haatan ka taliyo maamul u dadku soo doortay.

Sidoo kale degmada waxaa gelinkii dambe ee maanta soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Bokool Maxamed Cabdi Tool kuwaasi oo qeyb ka ah wafdiga soo dhaweynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaa shanaysa maamul goballeedka iyo beesha caalamka ayaa ku howlan wejiga koowaad ee sameynta 26-degmo oo ay ka dhacdo doorasho ay dadku deegaanka ku lug leeyihiin ee dhismaha maamul u sameeynta Maamul gobolleedyada Waxaana horey loogu guulleystay dhismaha gole deegaan iyo maamulada degmooyinka qaar oo ku yimid doorashada dadweynaha kuwaasi oo ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka maamul Goballeedyadagaar ahaan degmooyinka Koonfurta Soomaaliya si loo dhammeystiro Hanaanka Qaran ee Wadajir.

 

Argagixisada Al-shabaab oo laga saaray Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Howlgalkaan ay Ciidamadu ku qaadeen deegaanno iyo Tuulooyin u dhaxeeya degmada Walaweyn iyo deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa  maleeshiyada argagixisada Alshabaab looga saaray deegaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadka rayidka ah.

Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ku dhawaad 15 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen argagixisada, isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada cadowga looga saarayo guud ahaan dalka.

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa si dardar ah kuwado howlgallo argagixisada looga sifeynaayo deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan Gobolada dalka,iyagoo dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Argagixisada.

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) – Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Y. Yamamoto oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Danjire Yamamoto ay ka wada hadleen arrimaha dib u habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya, iyadoo la tix raacayo heshiisyadii hay’adda lacagta adduunlka IMF iyo hagaajinta dhaqaalaha.

“Waxaan ku faraxsanahay taageerada uu nasiiyo Mareykanka ee ku aadan dib-u-hagaajinta dhaqaaleheena, xasiloonida Maaliyadeed iyo rajada miro dhalka ah ee deyn cafinta Soomaaliya.”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiir Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka uu ahaa mid wax ku ool ah, isla markaana ku soo idlaaday jawi guul ah.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waa mid guul leh

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan qoro erayadan kooban oo aan ku cabbirayo dareenkayga farxadda leh. Rai`isul Wasaare Khayre socdaalkiisa Galmudug wuxuu iftiimiyay sida geesinnimada leh, daacadnimada leh ee uu horeseedka uga yahay iney Soomaaliya xor noqoto, dadkeeduna wada Walaaloobaan.

Wuxuu ku soo celceliyaa DAWLADNIMADA AAN DOONEYNO WAA TEE? Taasoo uu jawaabo sax ah ka bixiyo, waxaana kuu muuqanaya markii aad raacraacdid erayadiisa iney macno weyn bixinayaan, macnahaasoo sida aan ka arkay ay aad iyo aad u fahmayaan dhallinyarada.

Si fiican u dhegeyso khudbadihii uu dhowaan ka jeediyay goobihii uu tagay, wuxuu ku dareensiinayay dadka oo dhan gaar ahaanna dhallinyarada khayraadka Ilaah siiyay dalkeenna iyo sida aan uga gaajesyannahay, taasoo keentay nabad la`aanta, qabyaaladda, musuqmaasuqa, kala qoqobka iyo xudduudaha luggooyada ah ee gobollada. Wuxuu markaas u iftiimiyaa sida looga bixi karo dhibaatooyinkaas oo ah iney dhallinyaradu u midoobaan horumarka dadka iyo dalkooda.

Waxaa tusaale qiimo leh ahaa markii uu RW Khayre u soo qaatay tusaale labadii dhallinayrao ee kala ahaa AUN Cabdullaahi Ciise iyo AUN Maxamed Yuusuf Aadan (Muuro), kuwaasoo ka soo kala jeeday laba daan ee Gaalkacyo, macnaha ma kala lahayn qaybta Puntland iyo qaybta Galmudug, ma kala lahayn laba qabiil ee waxay ahaayeen Soomaali, waxayna wada doonayayeen iney gaaraan xornimo.

Wuxuu tusaalahaas u soo qaatay In labadaas Dhallinyarada ahi uu midkood midka kale u hibeeyay inuu naftiisa u huro, taasoo ku timid markii uu Cabdullaahi Ciise aadayay Qaramada Midoobay si uu khudbaddiisii taariikhiga ahayd uga jeediyay oo lagu codsanaayay in Soomaaliya xornimo la siiyo. Sida badan waxay ahayd in qof kastoo safraya la tallaalo oo irbad lagu mudo. Dadkii daacaadda ahaa ee Soomaaliyeed waxay ka shakiyeen oo tuhmeen in irbadda lagu mudi rabo Cabdullaahi Ciise ay noqon karto mid sun ah, dabadeed waxaa soo baxay AUN Muuro oo sida la sheego aad ugu ekaa Cabdullaahi Ciise, wuxuuna yiri anigaa isaga isku beddalaya in la I tallaalo oo irbadda laygu mudo si uu Cabdullaahi u badbaado, haddii ruux dhimanayana aan angia dhinto intuu dhiman lahaa Cabdullaahi Ciise, sidaas ayaana la yeelay.

Tusaalahaas Khayre wuxuu noqday mid Dhallinyaradii Gaalkacyo qiiro wayn geliyay oo sacabka kala goyn waayay. RW Khayre wuxuu khudbadahaas jeedinayay isagoo ay indhihiisu illintu caseysay.

Socdaalkan RW Khayre ee Galmudud wuxuu siiyay fursad wayn oo qaali ah oo soo bandhigtay awoodda uu Ra’iisul wasaaraheenna maanta u leeyahay inuu dadka Soomaaliyeed kula hadli karo af iyo feker ay fahmi karaan iyo qofka hortaagan waxa dhabta ah ee uu kala hadlayo.

Waxaa ii muuqda iney dhallinyarada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay aad u fahmeen dawladda hadda jirtaa ee Soomaaliyeed, sidaas si la mid ah waxaa qof kasta la gudboon in dawladdan lagu taageero waxqabadkeeda, haddii ay jiraan khaladaad iyo daldalooyinna si daacadnimo leh wax loogu sheego oo la wada toosiyo. U maleynmaayo inuu jiro qof diidaya in la siiyo talo habboon oo wax ka tareysa shaqadiisa, waase haddii wax loogu sheego si aan cadawtinnimo ahayn iyo meesha ha laga kiciyo.

W/Q:-Abdulkadir Mursal

Ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho-(SNTV)-Ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa gacanka kusoo dhigay Laba xubnood oo ka ka tirsan Al-Shabaab, markii ay howl-gallo qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho.

Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in ay soo qabteen Laba dhagar qabe iyo Hubkooda, xilli ay maleegayeen dilal lagu beegsanayo Shacabka.

Qoraal kooban oo ay hay’adda NISA soo saartay ayay ku tiri, “Howgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri War kasoo baxay NISA.