Tiro ka mid ah nabad diidka Arxanka daran ee Al-Shabaab oo la dilay iyo hub laga furtay

Date:

Maleeshiyada kooxda nabad diidka ah ee Al Shabaab oo xalay isku dayey in ay weerar ku qaadaan magaalada Garbahaareey si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah ayaa ku hungoobay falkii ay damacsanaayeen kadib markii ay ciidanka xoogga dalka oo ka war helay qorshaha kooxda ayaa ka hortay iyadoo halkaasi uu jab weyn kasoo gaaray kooxda Nabad diidka ah.

Ciidanka xoogga ee ka howlgala Garbahaareey oo dagaal kaga hortagay ayaa ku guuleystay in ay toogasho ku dilaan dhowr dhagar qabe oo kamid ah meelshiyada arxanka daran ee Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta dowladda in labo dhagarqabe oo katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgalka ciidanka dowladda Soomaaliya ay qaadeen iyadoo sidoo kale halkaasi ay kaga soo furteen hub badan oo Argagaxisadu leeyihiin.

Dadka magaalada ayaa sheegay in xaaladdu saakay ay caadi tahay iyadoo howlgalka uu gacan ka helayay wadashaqeeynta wanaagsan ee ka dhaxeeya ciidamada iyo dadka shacabka ah.

Malleeshiyaadka Al Shabaab ayaa dhowr mar oo hore sidaan oo kale isugu dayey inay weeraraan fariisimada ciidanka ee magaaladaasi balse waxaa ay kala kulmeen jab xooggan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...