Mid ka mid ah xidigaha Barcelona oo xabsi lagu xukumay.

Date:

Ciyaartoyga qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Barcelona ee Arda Turan ayaa lagu xukumay ku dhawaad seddex sano oo xabsi ah ka dib markii isbitaal dhexdiisa uu xabad ka riday ka dib markii dagaal dhexmaray isga iyo qof heesaa ah.

Turan oo hadda amaah ku jooga kooxda Istanbul Basaksehir, ayaa sannadkii tagay la dagaallamay heesaaga caanka ah ee Berkay Sahin, kaas oo uu feer sanka kaga jabiyay.

Ciyaartoyga oo 32 sano jir ah ayaa markaa ka dib tagay isbitaalka, wuxuuna ku riday xabad.

Waxaa lagu helay dembi ah inuu cisbitaalka dhexdiisa ka abuuray argagax, haysashada qori sharci daro ah iyo inuu si ulakac ah qof u dhaawacay.

Xukunka lagu riday wuxuu yahay laba sano iyo sideed bilood oo xabsi ah, laakiin kuma sii jiri doono xabsiga haddii shanta sano ee soo socota uusan dambi galin.

Laacibkan u ciyaara kooxda stanbul Basaksehir, wuxuu ka tirsan yahay Barcelona oo si amaah ah looga iibsaday.

Kooxda uu amaahda ku joogo ee Istanbul Basaksehir ayaa dhacdadaas awogeed ciyaartoygan ku ganaaxday lacag dhan 2.5 milyan oo lira (£350,000).

Wararku waxay sheegayaan in fannaanka, Berkay Sahin, uu la socday xaaskiisa Ozlem Ada Sahin, waxayna ku sugnaayeen baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Istambul, bishii October, xilligaas oo dagaalka uu bilowday.

Ms Sahin ayaa wargayska Haberturk u sheegtay in Turan uu weerar ku soo qaaday ninkeeda oo aad looga yaqaano Turkiga. Fannaanka ayaa markii dambe isbitaal loo qaaday si qaliin loogu sameeyo sankiisa oo jabay.

Dhacdadu halkaas kuma aysan dhammaan. Turan wuxuu ka soo muuqday isbitaalka isaga oo sita qori isla markaana cafis dalbanaya wuxuuna bartiisa tweeter-ka ku qoray inuu khalad galay, kooxdiisa iyo qoyskiisana uu ka dalbanayo cafis.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...