Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir u dhaxeeyay dowladda hoose iyo Bankiga adduunka.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda Word Bank (Bankiga Aduunka) kaas looga hadlayay horumarinta mashaariicda lagu dhisayo waddooyinka caasimadda iyo xarumaha danta guud.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa Bankiga adduunka uga mahadceliyay doorka wanaagsan oo ay ka qaadatay in Muqdisho laga soo saaro marxaladihii burburka, waxaa uu sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir kala hadlay madaxda Word Bankiga in maamulkiisa ay ka caawiyaan dib-udhiska waddooyinka si loo soo celiyo bilicdii Caasimadda JFS.

Ugu dambeyn wakiilada Bankiga adduunka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankooda balan qaaday iney dowladda hoose Xamar ay ka caawin doonaan mashaariic kasta oo lagu horumarinayo magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...