Home Blog Page 1000

Toogasho dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacday Mareykanka

0

Ciidamada Booliiska magaalada Dayton ee gobolka Ohaio ayaa sheegay in tacshiirad ka dhacday halkaasi ay ku dhinteen sagaal ruux .

Dhimashada dadkaasi oo ka dhacday degmada Oregon ee magaaladaasi ayaa lagu waramay in sidoo kale uu dhintay qofkii ka dambeeyay falalkaasi dhimashada ah.

Shilkaan oo ka dhacay meel dibadda ka ah Baar ayaa la xaqiijiyay in ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo loola cararay cisbitaalada,sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka.

Shilkaan ayaa imaanaya wax yar ka dib kolkii magaalada Texas,gaar ahaan deegaanka El basso ay ka dhaceen toogasho sababtay dhimashada 20-qof iyo dhaawacyo ka badan 26

Sifooyinkii marxuum eng.Yariisoow “Daacadnimo, Degenaan iyo Aragti dheeri”

0

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ma ahayn shaqsi ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna la soo shaqeeyay dhowr xukuumadood oo kala danbeeyay oo soo maray dalka, isagoo soo qabtay xilal wasiirnimo, sidoo kale marxuumku wuxuu muddo dheer ka soo shaqaynayay arimaha bulshada, wuxuuna ku lahaa dhaqdhaqaaqyadaasi kaalin firfircoon oo hoggaamineed oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Allaha u naxariistee eng. Yariisoow wuxuu soo noqday wasiirka Warfaafinta iyo waiirka wasaaradda Lacagta, Afhayeenka Madaxtooyada, La taliye Madaxwayne, isagoo sidoo kale muddo toban sano ah ka soo shaqeeyay dowladda hoose  magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Dhanka kale marka dib loo raaco Khibradda shaqo uu lahaa Marxuum eng. Yariisoow waxaa kuu soo baxaya in uu ahaa qof aad ugu habboon xilka loo igmaday ee ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Caasimadda dalka ee Muqdisho, dhanka kale wuxuu aqoon badan u lahaa dhanka maamulka iyo maaraynta iyo kulliyaddii Injineeriyada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliya.

Marxuum eng.Yariisoow wuxuu ahaa  siyaasi Qunyar socod ah oo jeclaa in arin walba lagu dhameeyo is qancin, mana ahayn shaqsi khilaaf abuura, waan sababta aan is leeyahay in loogu xulay hoggaaminta Caasimadda dalka , marka laga soo tago aqoontiisii iyo xirfadihii ballaarnaa oo uu lahaa.

Dhinaca shaqsiyadda Marxuumka waxaa dadka aqoonta durugsan u leh ku tilmaameen inuu ahaa qof saxiibo badan lahaa,taasi oo uu ku kasbaday shaqsiyaddiisa qof ahaaneed oo ku dhisnayd Mutawaadacnimo ama islawayni la’aan,ixtiraam, daacadnimo, xanaf la’aan, degenaan, iyo aragti dheeri

Soomaalidu waxay tiraahdaa nin rooni maraago, 24kii bishii Luulyo ayuu mudane yariisoow ku dhawaacmacmay qarax ay argagixisadu ka danbeeyeen oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, maalintii xigtay ee 25ka Luulyo ayaa loo qaaday dalka Qadar, balse 1dii bishan Ogost ayuu marxuumku ku geeriyooday magaalada Dooxa.

Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha J.F.S.  md. Max’ed C/llaahi Farmaajo,guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Ra’iisalwasaaraha X.F.S. Md. Xasan Cali Khayre ayaa dhamaantood tacsi u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed ,gaar ahaan shacbiga ku nool gobolka Banaadir , Qoyskii, eheladii, Xaaskii iyo caruurtii uu ka geeriyooday guddoomiyahii gobolka Banaadir  Marxuum C/rraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Geerida Marxuumka ka dib waxaa madaxwayne Farmaajo ku dhawaaqay in dalka uu galayo seddex maalmood oo loo baroordiiq ah isla markaana waxaa hoos loo dhigay calanka J.F.S iyo Calanka Gobolka Banaadir, dhinaca kale waxaa la magacaabay guddi qabanqaabo aas qaran.

Waxaa manta oo taariikhdu tahay 4-8-2019ka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad khaas ah oo waday maydka Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho  eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Waxaa kale diyaaradda marxuumka waday la socday masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo ka soo raacay dalka Qadar,qaar kamid ah ehelada ,xaaska iyo caruurtiisa.

masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa maydka ku sugayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Maydka duqii magaalada Muqdisho  Marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow,madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada.

Waxaa goor dhow lagu aasay Marxuumka Qabuuraha ku yaala  Dugsiga Sare Booliiska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdidho.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan eng.Yariisoow waxa uu ku dhashay degmadda Hodan ee gobolka Banaadir 16 kii August 1965kii.Waxbarashadiisa dugsiga sare waxa uu ka baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena  ka qalinjebiyey jaamacadda Umadda  Soomaaliyeed(J.U.S), gaar ahaan kuliyadda Civil Engineer sanadkii 1986kii.

Wuxuu ka soo Shaqeeyay Dawladda Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000  ilaa 2003.

Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004  ilaa October 2008

Wuxuu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMG ka aheyd intii u dhaxeysay October 2008   ilaa February 2009.

Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009  ilaa   August 2009.

August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010.

July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010

3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012
20kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013

26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014

Intii u dhaxeysay 24kii April 2014  ilaa   21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya

21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo Aas-Qaran loogu sameeyey Muqdisho

0

SNTV:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

Diyaaraddii sidday marxuumkan shahiiday isagoo ka shaqeynaya horumarinta iyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.

    

Ciidanka Xoogga Dalka oo Maleeshiyada Alshabaab kala wareegay deegaanno ay kaga sugnaayeen gobolka Baay

0

Howlgalkaan oo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG koonfur galbeed ayaa lagu dilay Horjoogeyaal ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay la wareegeen tuulooyin ay ka mid tahay Buulo Jebi oo maleeshiyada Alshabaab ay dadka Shacabka ay lacago iyo xoolo baad ah uga qaadan jireen.

Howlgalka ayaa lagu dilay Horjoogayaal ay ka mid yihiin Madaxii amniyaadka iyo Madaxii Sakawaadka oo ahaa kuwa Shacabka dhibaato ku hayay oo ka qaadi jiray baad iskugu jirto Lacago iyo Xoolo

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ee ku nool deegaanadii argagaxisada laga saaray inay Ciidamada la shaqeeyaan, si looga hortago dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka rayidka ah.

Madaxda Qaranka oo Salaadda Janaasada ku dukaday Maydka Marxuum Eng Yariisow

0

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Maydka Marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ahaa duqii magaalada Muqdisho.

Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada.

Waxaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Marxuumka Khabuuraha ku yaala xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho.

 

Amniga Dhuusamareeb oo lagu wareejiyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Waxaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay nabad gelyada Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu sheegay in howlaha Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan, muddo Afartan Cisho ahna loo fadhiyay.

Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Soomaaliya Mudane ; Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ay si buuxda ula wareegtay.

Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan ,Madaxa Golaha Wasiirrada Galmudug , ayaa isna sheegay in Ciidanka amniga sugaya maahane kuwa kale la geyn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba  oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha amniga
Soomaaliya.

Dr; C/raxmaan C/llaahi Baaddiyow,  oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb.

Xildhibaan; Mahad Maxamed Salaad , ayaa sheegay inay qaadanayaan doorkooda ku aaddan Dhismaha Galmudug, maaddaama degaannada Galmudug isaga laga soo doortay.

Galmudug ayaa isu diyaarinaysa dhismaha maamul loo dhan yahay , waxaana hadda soconaya qaban-qaabadii ugu dambaysay.

Xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Maka oo ka mahadceliyay saacidaaddii ay u fidisay Dowladda Federaalka

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow oo uu wehliyo Qunsulka guud ee Magaalada , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa  kormeeray Guryaha la dejiyay Xujeyda Soomaaliyeed ee  ku sugan Magaalada Maka Al-mukarrama.

Kormeerka mas’uuliyiinta ka socota Wasaaradda iyo Qunsuliyadda ayaa  ku aaddanaa in ay hubiyaan xaaladaha guud  ee Xujeyda Soomaaliyeed, sida ka warqabka nadaafaddooda, Cuntada, Caafimaadka Gaadiidka geeya Xaramka, Gargaarka deg-degga ah IWM.

Dr; Cabbaas C/llaahi Cali , oo ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Maka ayaa sheegay in qaabkii loo qaabbilay iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya u abaabushay ay tahay mid aad u heer sarreysa, wuxuna sheegay in si weyn loogu fududeeyay tasiilaadkii ay u baahnaayeen.

Sidoo kale Xujeydii ku sugnayd Guryaha laga dejiyay Magaalada Maka ayaa waxay si wada jir ah ammaan iyo bogaadin ugu soo jeediyeen Dowladda Federaalka iyo Shirkadihii isku howlay in loo qabto dhammaan adeegyadii kala duwanaa ee ay u baahnaayeen, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in inta ka harsan acmaasha Xajkuna loo fidin doono kaalmo intaa ka badan.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalkuba uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, Marxuum, C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow).

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Maxaweyne ; Geelle.

“Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay Garabkiinna, Dowladda iyo Shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa marxuum Yariisoow ku tilmaamay in uu ahaa Guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka Gobolka banaadir.

Akhriso Taariikh Nololeedka Allaha u naxariisto Duqii Magaalada Muqdisho

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow waxa uu ku dhushay degmada Hodan ee gobolka Benaadir 16kii August 1965kii.
Waxbarashadiisa dugsi hoose,dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey jaamacadda Gaheyr ,kuliyadda Civil Engineer sanadkii 1986kii.

Shaqooyinkii uusoo qabtay

• Dowlada Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003
• Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004 ilaa October 2008
• Waxa uu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMGka aheyd intii u dhaxeysay October 2008 ilaa February 2009
• Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009 ilaa August 2009
• August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010
• July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010
• 3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012
• 20kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013
• 26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014
• Intii u dhaxeysay 24kii April 2014 ilaa 21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
• 21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya
• 21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho
• Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar .

INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUN

R/wasaare Kheyre oo Guddi u magacaabay Aaska Qaran ee loo sameynayo AUN Eng Yariisow

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddi ka kooban Afar iyo Toban Xubnood u magacaabay Aaska Qaranka ee loo sameynayo Guddoomiyahii gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan oo maanta ku geeriyooday dalka Qatar, Waxaana guddigaan guddoomiye u ah Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka XFS.

Halkaan hoose ka Akhriso Magacyada Guddiga