Home Blog Page 1000

QM oo ku baaqaday in la joojiyo dagaalka ka socda Libya

0

Xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaadda ka aloosan Magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalka Liibiya.

Tobanaan Qof ayaa ku dhimatay,Kumanaan kalena way ka barakaceen Magaalada Tripoli,  markii ay weerar xooggan ku soo qaadaeen halkaasi ciidamo uu hoggaaminayo, Gen; Khalifa Hafta, oo kasoo horjeeda Dowladda uu Caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya.

Janaraal; Khalifa Hafta, ayaa sheegtay in ay Ciidamadiisu qabsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Tripoli, wuxuuna ku Gacan sayray baaqyo caalami ah oo kaga yimid Qaramada midoobay iyo dhex dhexaadiyeyaal kale oo Caalami ah.

Isha/ Daily Nation

Jazeera oo Jiiday Jeenyo

Kooxda Kubada Cagta Jeenyo ayaa la kulantay guuldaradii sagalaad ee soo gaarta Sanadkaan Sagaal Kulan oo ay Ciyaartay Kulamada Horyaaka Soomaaliya kadib markii ay la Ciyaarta Kooxda Jazeera oo sanadkii hore ka soo dalacday Horyaalka heerka labaad ee dalka waxaana Jeenyo Looga adkaaday 1-0 kulan galabta ku dhex maray Garoonka Banaadir.

Guusha Kooxda Jazeera ayaa ah guushii sadexaad oo ay gaartay sagaal kulan oo ay Ciyaartay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya waxaana ay ugu mahad celinaysaa Aghahowa oo u saxiixay goolka kaliya ay ugu adkaatay dhigeeda Jeenyo.

Jazeera hada waxay leedahay Toban dhibcood waxaana ay ka sare martay kooxaha Gadiidka iyo Madbacadda, ayadoo ku dhibco noqotay kooxda Kooxda Midnimo oo kaalinta lixaad kaga jirta kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya.

Jeenyo iyo Jazeera waa labada kooxod ee la kulmay guuldarooyinka ugu badan Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyareedkan, Jeenyo waxay lumisay 8 kulan Sagaal kulan oo ay soo Ciyaartay halka Jazeera laga adkaaday 5 Kulan Sagaal kulan oo ay soo Ciyaartay.

Jeenyo waa kooxda kaliya ee laga adkaaday 8 Kulan dhamaan Tobanka kooxod ee ku tartamaya Horyaalka, Sidoo kale waa kooxda kaliya ee aanan hal kulan barbaro gelin dhamaan Kulamada ay Ciyaartay.

Hal kulan oo quraa ayeey adkaatay dhamaan sideed kulan oo ay Ciyaartay Sanadkaan, waana markii ugu horeysay oo sidaan ay ku dhacdo Kooxda Jeenyo tan iyo markii ay ku soo biirtay Horyaalka Soomaaliya.

Guuldarooyinka Kooxda Jeenyo ayeey sabab ugu dhigeen Bulshada Ciyaaraha in Kooxda ay la soo diristay dhaqaale la,aan aad u xoogan waxaana sabab ay u noqotay in dhibcaha kooxda ay ku tashtaan kooxaha kale.

2017-kii ayeey ahayd markii kooxda ay lumisay 7 ka mid ah safka hore ee kooxda, Waqtigaasi wiixi ka danbeyayna kooxda waxay ahayd mid la daala dhaceysay guuldarooyin aysan qaadin Karin Jamaahirta Kooxda Jeenyo oo xili ciyareedkan u muuqda mid Kooxdooda sababi karta in at u laaban karta Horyaalka Heerka labaad ee dalka Hadii aysan sidaan wax iska badalin.

Dhanka kale Jeenyo ayaa sidoo kale ah Kooxda goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya, 25 gool ayaa laga dhaliyay waxaana shan gool ay dheer tahay kooxda Jazeera oo ah Kooxda Labaad ee goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya oo ay la Ciyaartay galabta kulankeeda ugu danbeeyay wareega hore ee Horyaalka Soomaliya.

 

W/D Axmed Salaad Shiikhow

Shirka Golayaasha Xeer-dejinta Dowladda Federaalka iyo M/Goboleedyada oo ka furmay Garoowe

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Garoowe ka furay shirka Golayaasha Xeer-dejinta Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada dalka.

Furitaanka shirka ka dib, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ayaa kormeeray xarumaha wasaaradaha Puntland,isagoo u kuur galayay shaqada xarumadaasi ka socda.

Wuxuuna Guddoomiye Cawad sheegay inuu shirkani ka rajeynayo iney ka soo bixi doonaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya qeyb galaya guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad ee ay yeeshaan,wuxuuna maanta sii rasmi ah uga furmay magaaladda Garoowe ,isagoo socon doona sedaxda maalin ee soo socota.

Shir Hay’adaha Dastuurka oo ka Furmay Kismaayo

0

SNTV:-Waxaa magalada kismaayo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubbaland ka furmay shir u dhexeeya hay’adaha Dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed kaas oo looga tashan doono sidii bulshada ku dhaqan dowlad goboleedyada ay uga talo dhiiban lahaayeen cutubyada Dib-u-Eegista lagu sameeyay ee Dastuurka.

Shirkan waxaa ka qayb galaya Hay’adaha u xilsaaran Dib-U-Eegista Dastuurka oo kala ah wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS, Guddiga Lasocodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-Eegista Iyo Hirgelinta Dastuurka, Wasarradaha Dastuurka Dowlad goboleedyada iyo Guddiyada Dastuurka iyo Guddonada baarlamaanada Dowlad goboleedyada.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista dastuurka ayaa hadallo furitaana waxaa ka jeediyay madaxdii ka soo qayb gashay oo isugu jiray xildhibaanno iyo wasiiro heer federal iyo Heer dowlad goboleed.

Ugu horrayn, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulanka furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in maanta loo fadhiyo dan soomaaliyeed islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in bulshada qaybaheeda kala duwan ay ka qayb qaataan dib-u-eegista dastuurka, waxa uu tilmaamay in shirkan uu hordhc u yahay shirar latashi ah oo lagu qaban doono dhammaan dowlad goboleedyada, waxaa uuna ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada in ay u diyaar garoobaan wafuudda u imaan doonta si loogala tashado bulshada degan deeganadooda arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

Dhanka kale, gudoomiyaha guddiga la socodka Dib-u-eegista dastuurka ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyadu ay ka shaqeeyaan sidii dastuurkan loo dhamaytiri lahaa isla markaana ay doorkoooda ka qaataan maadaama dastuurku yahay waxa kala haga dadka. Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Muumino Sheikh Cumar ayaa dhankeeda ka hadashay cutubyada ay ka soo shaqeeyeen maadama ay yihiin guddigii qorayay dastuurka iyadoo sheegtay in hadda ay diyaar yihiin 10 cutub isla markaana si wada jir ah ay latashi ula samayn doonaan dhammaan dadka ku nool dowlad goboleedyada.

Ugu dambayn, Madaxwaynaha Dowlad goboloeedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam ayaa furay shirka wada tashiga ah ee u dhexeeya Hay’adaha dastuurka Heer federal iyo Heer Dowlad goboleed waxa uuna sheegay in ka jubbaland ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan dibu-eegista dastuurka. Waxa uu sidoo kale xusay in dalku uu u baahanyahay dastuur kala haga si looga fogaado isqabqasiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirka ayaa ah mid hordhac u ah kulamo latashi ah oo lagu qaban doono dowlad goboleedyada si bulshada ay talooyinkooda ugu darsadaan Dib-u-eegista Dastuurka.

Xoghayaha aminga ee mamuulka Trump oo xilkii iska casishay

0

Xoghayaha  amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen oo mas’uul ka ahayd qorshaha lagu dhisayay darbiga soohdinta Mexico ayaa  xilkii iska casishay xilkii,haweenaydan ayaa ku tilmaamtay “Sharaf” in ay ka soo shaqaysay wasaaraddan.

Trump oo markiiba bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in xilka ay banaysay haweeneydan uu buuxiin doono agaasimaha Laanta Canshuuraha iyo Illaalinta xudduudaha Kevin McAleenan.

Waxa ay  Kirstjen Nielsen mas’uul ka ahayd hirgalinta qorshaha gidaarka lagu dhisayay  iyo ka  hortagida  dadka soogalootiga ah,gaar ahaan kala sooco carruurta iyo waalidkooda muhaajiriinta ah.

Ma aysan sheegin wax sabab ah oo ay xilka u banaysay, balse waxa ay sheegtay in ay tahay waqtigii ugu haboonaa ee an xilka ay ka dagi lahayd  marka la barbardhigo xaaladihii u soo biirtanka maamulka madaxweyne Trump.

Trump ayaa ku hanjabay in la xiri doono xudduuda Mexico, balse hadalkaas waa uu ka laabtay, wuxuuna sheegay in dowladda Mexico uu siin doono muddo sannad ah si ay u joojiyaan daroogada iyo muhaajiriinta ay soo gudbiyaan.

Waxa ay maaamulka Trump ku biirtay 2017-kii, xilligaas oo ay kaaliye u noqotay ninkii xilka kaga horeeyay John Kelly.

Markii uu Kelly noqday agaasimaha Aqalka Cad waxa ay u noqotay ku xigeen, hase yeeshee sannad kadib ayay madax ka noqotay wasaaradda.

Waxa ay aad u difaaci jirtay siyaasadaha arrimaha socdaalka ee Donald Trump, kuwaas oo aad loo dhaleeceeyay.

Bishii June 2018-kii ayay dad badan ku buuqeen mar ay tagtay maqaayad dad reer Mexico ay leeyihiin si ay raashiin uga cunto, waxa ay ka mid noqonaysaa dad badan oo iska casilay maamulka Trump.

HORDHACA: Kulanka Jeenyo iyo Jazeera

0

Kulanka ugu horeeya Todobaadkan Maalinta berito ah waxaa wada Ciyaaraya kooxaha Jeenyo iyo Jazeera, Labada Kooxod waa kulamadoodii ugu danbeyay ee wareega hore Horyaalka Soomaaliya.

Jeenyo iyo Jazeera waa labada kooxod ee la kulmay guuldarooyinka ugu badan Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyareedkan, Jeenyo waxay lumisay 7 kulan Sideed kulan oo ay soo Ciyaartay halka Jazeera laga adkaaday 5 Kulan Sideed kulan oo ay soo Ciyaartay.

Jeenyo waa kooxda kaliya ee laga adkaaday 7 Kulan dhamaan Tobanka kooxod ee ku tartamaya Horyaalka, Sidoo kale waa kooxda kaliya ee aanan hal kulan barbaro gelin dhamaan Kulamada ay Ciyaartay.

Hal kulan oo quraa ayeey adkaatay dhamaan sideed kulan oo ay Ciyaartay Sanadkaan, waana markii ugu horeysay oo sidaan ay ku dhacdo Kooxda Jeenyo tan iyo markii ay ku soo biirtay Horyaalka Soomaaliya.

Guuldarooyinka Kooxda Jeenyo ayeey sabab ugu dhigeen Bulshada Ciyaaraha in Kooxda ay la soo diristay dhaqaale la,aan aad u xoogan waxaana sabab ay u noqotay in dhibcaha kooxda ay ku tashtaan kooxaha kale.

2017-kii ayeey ahayd markii kooxda ay lumisay 7 ka mid ah safka hore ee kooxda, Waqtigaasi wiixi ka danbeyayna kooxda waxay ahayd mid la daala dhaceysay guuldarooyin aysan qaadin Karin Jamaahirta Kooxda Jeenyo oo xili ciyareedkan u muuqda mid Kooxdooda sababi karta in at u laaban karta Horyaalka Heerka labaad ee dalka Hadii aysan sidaan wax iska badalin.

Dhanka kale Jeenyo ayaa sidoo kale ah Kooxda goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya, 24 gool ayaa laga dhaliyay waxaana lix gool ay dheer tahay kooxda Jazeera oo ah Kooxda Labaad ee goolasha ugu badan laga dhaliyay Sanadkaan Horyaalka Soomaaliya oo ay la Ciyaari doonto kulankeeda ugu danbeeya wareega hore ee Horyaalka Soomaliya 08/04/2019.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Tartanka: Horyaalka Soomaaliya

Kooxaha: Jeenyo Fc VS Jazeera

Garoonka: Banadir Stadium

Tariikhda   08/04/219

Saacada:  3:30

 

W/D Axmed Salaad Shiikhow

Guddoomiyaha Aqalka sare oo shirka Baarlamaanada Aduunka uga qeyb galay magaalada Dooxa

0

Dooxa (SNTV):– Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ay ka qayb galayaan shirka 140-aad ee midowga Baarlamaannada Adduunka, kaas oo haatan si habsami leh uga socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Shirkan 140-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka waxaa guddoominaya Guddoomiyha Golaha Shuurada ee Dowladda Qatar,waxaana shirkan la qabtaa sanadkiiba mar,waxaana inta badan diirada lagu saaraa hadba xaaladda taagan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah laqaatay qaar kamid ah Guddoonada dalalka kasoo qeyb galay shirkaas.

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Garowe lagu so dhaweeyey

Garowe (SNTV) Wafdiga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ay ku jireen Xildhibaano Golaha Shacabka ka tirsan iyo Guddoomiyaasha Golayaasha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedyada Dalka waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland.

 

Guddoomiyaha golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Xakiim Maxamed Axmed Dhoobo ayaa ugu horeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Magaaladda Garoowe.

 

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ayaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowlad Goboleedka Puntland soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa,wuxuuna sheegay in garoowe  inta ay joogaan kaga qeyb gali doonaan shirka Golayaasha sharci dejinta ee Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada,uuna ka rajeynaayo in ay kasoo baxaan qodobo lagu sii dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

 

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad ee ay yeeshaan,waxaana uu si rasmi ah uga furmi doonaa magaaladda aroowe maalinta berri ah,isagoo socon doona sedaxda maalin ee soo socota.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay Mareykanka

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wassaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Mareykanka.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdigiisa ayaa halkaas waxa ay kaga qeyb-galayaan shir looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Mareykanka joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Mareykanka iyo qayba kale oo kamid ah bah-wadaagta Soomaaliya, si loo dardar-geliyo ajandaha qaran ee dub-u-habaynta hay’adaha dawladda.

Ra’iisul wasaare Khayre oo magacaabay Wasiirada Dastuurka ,Shaqada iyo Tamarta

0

Muqdisho (SNTV):-Degreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo nuqul kamid ah la soo gaarsiiyay  Wakaaladda SONNA ayaa lagu magaabay Sedex Wasiir kuwaas oo kala ah:-

Mudane Saalax Axmed Jaamac waxaa loo magacaabay Wasiirka Dastuurka

Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa waxaa loo magacaabay wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh waxaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya.