Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Türkiye u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sagootin ah ku yimid kaddib markii uu soo gabagabeeyay muddadii uu Soomaaliya uga soo shaqeynayay diblomaasiyad ahaan.
Wasiirku wuxuu bogaadiyey adeegga iyo dadaalka Safiirka, iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dhow ee u dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Türkiye.
Wasiir Cabdisalaan wuxuu sidoo kale sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee labada dal, isagoo Safiirka u rajeeyey guul iyo horumar uu ka gaaro xilalka iyo mas’uuliyadaha mustaqbalka.

