Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay kulanka diyaar-garowga xilliga Xajka 1448H, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha iyo diyaar-garowga hore ee xilliga Xajka 1448H, iyadoo laga wada hadlay arrimo muhiim u ah hawlaha xafiisyada arrimaha xujeyda iyo sidii loo sii horumarin lahaa adeegyada loo fidiyo martida Alle.

Waxaa kulanka lagu soo bandhigay qodobo ay ka mid yihiin qorshaha shaqo ee Xajka 1448H, jadwalka hawlaha xafiisyada xujeyda, nidaamka isgaarsiinta iyo isku-duwidda, shuruudaha caafimaadka xujeyda, iyo diyaarinta adeegyada muhiimka u ah xilliga Xajka.

Dhinaca Soomaaliya, kulanka ayaa fursad u ahaa in la muujiyo baahiyaha iyo mudnaanta la xiriirta adeegyada xujeyda Soomaaliyeed, gaar ahaan kordhinta qoondada xujeyda iyo xoojinta diyaar-garowga caafimaad ee dadka Soomaaliyeed ee sannad kasta u socda gudashada waajibaadka Xajka.

𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜, agaaismaha guud ee wasaaradda oo kulanka kalmad dhinacaya badan taabanaysa kajeediyey ayaa yiri “Waxaan rajeynaynaa in qoondada xujeyda Soomaaliyeed la kordhiyo, si loo daboolo baahida shacabka Soomaaliyeed ee doonaya gudashada waajibaadka Xajka.”

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada hore loogu sii diyaarinayo xilliga Xajka 1448H, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda u dhexeysa Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudi Carabiya iyo xafiisyada arrimaha xujeyda ee dalalka ka qaybgalaya Xajka.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee kulankan ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diintu siinayso diyaar-garowga hore, si loo hubiyo in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeegyo wanaagsan, ammaan iyo daryeel ku filan inta ay gudanayaan waajibaadka Xajka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka tirsan Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...