Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Date:

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr ee degmada Afgooye gobolka shabeelade hoose Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd qiimeynta halka uu marayo mashruuca dayactirka iyo taageerada xarumaha daryeelka agoonta, iyo sidoo kale awood-siinta dhaqaale ee qoysaskooda.

Mashruucan waxaa fulinaya Xarunta Boqor Salmaan, iyadoo iskaashi la leh Mu’assasadda Al-Mahaasin ee Horumarinta Waxbarashada, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha Dowladda.

Booqashada waxaa ka qayb galay Mudane Yaziid bin Cabdullaahi Xamuud, Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada, kaas oo kormeer ku sameeyay dhismaha xarunta, isla markaana warbixin ka maamulka dugsiga, Mashruucu wuxuu haatan marayaa marxaladihii ugu dambeeyay ee hawlaha dayactirka iyo dib-u-habaynta.

Intii lagu guda jiray booqashada, carruurta agoonta ah ee ku nool xarunta ayaa sidoo kale loo qaybiyay boorsooyin oo ay ku jiraan agabka waxbarashada iyo dharka unifoomka schoolka, kuwaas oo loogu talagalay in lagu taageero sii wadista waxbarashadooda laguna yareeyo caqabadaha iyo culaysyada ka haysta dhinaca waxbarashada.

 

Mashruucani wuxuu ka tarjumayaa dadaal bani’aadantinimo oo dhammaystiran oo wax looga qabanayo caqabadaha nololeed iyo waxbarasho ee haysta dadka aadka ugu baahan taageerada. Waxa uu diiradda saarayaa hagaajinta tayada nolosha carruurta agoonta ah iyo abuurista jawi waxbarasho oo ku haboon ardayda, isla markaana wanaagsan. Sidoo kale, mashruucu wuxuu xoojinayaa awoodda dhaqaale ee qoysaskooda si loo gaaro xasillooni bulsho iyo isku-filnaansho dhaqaale.

Hawlaha mashruuca waxaa ka mid ah dib-u-dayactirka lagu dameynayo qaar ka mid ah dugsiyada daryeelka agoonta ah, kuwaas oo ku kala yaalla Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Hawlahaas waxaa ka mid ah dayactirka adeegyada iyo kaabayaasha aasaasiga ah, qalabaynta jikada oo la siinayo qalab casri ah oo wax lagu karsado, bixinta agabka badbaadada iyo dab-damiska, diyaarinta cuntooyin maalinle ah, iyo qalabaynta qolalka jiifka iyadoo la siinayo sariiro iyo gogol ku habboon carruurta.

Mashruucan waxaa ka faa’iidaysanaya 905 carruur ah oo agoon ah, iyadoo sidoo kale la siinayo awood-siinta dhaqaale 200 hooyo oo ah mas’uuliyiinta qoysaska agoonta.

Hooyooyinkan ayaa loo qabanayaa tababbarro ku saabsan aasaaska tolidda dharka, waxaana la siinayaa mashiinnada tolidda iyo agabkooda, si ay awood ugu yeeshaan inay masruufaan qoysaskooda una gaaraan isku-filnaansho dhaqaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...