Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Date:

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii doorashadii isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.

Maxkamaddu, kaddib markii ay dhageysatay dhinacyada dacwadda isla markaana ay qiimeysay doodaha iyo caddeymaha la hor keenay, waxay go’aamisay in doorashadii dhacday 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna natiijadeedu aysan lahayn jiritaan sharci ah.

Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale amartay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha inuu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah qabto doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug, iyadoo la dhowrayo Dastuurka, Sharciga Doorashooyinka iyo xeerarka khuseeya.

Dhanka kale, iyadoo la tixgelinayo danta guud iyo joogtaynta adeegyada dowladnimo, Maxkamaddu waxay amartay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilalkooda inta laga helayo hay’ado cusub oo ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...