Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu xusayay 15-sano guuradii dib u curashada xiriirka diblomaasiyadeed iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Türkiye.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, uu Muqdisho ku yimid 19-kii Agoosto 2011, taasi oo bog cusub u furtay xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 15-kii sano ee lasoo dhaafay iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu gaaray heer sare, isaga oo ka koobmaya dhinacyada amniga, horumarinta, waxbarashada, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo taageerada bani’aadannimo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Türkiye garab istaagga ay Soomaaliya u muujiyeen, isaga oo xusay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dano wadaag.
