Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyey doorashadiisii xilka Guddooomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo u rajeeyey inuu Alle SWT u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.
Muqdisho, Soomaaliya- 20 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).