Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, halkaas oo xukuumadda ka fulinayso hawlo adeeg bulsho iyo kuwa horumarineedba.

Hoggaanka Waqooyi Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay odayaasha dhaqanka ugu horeeyaan ayaa si weyn Ra’iisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha, xilli maamulka ku jiro maalmaha dabaaldegga sanad-guuraddii koowaad ee asaaska Waqooyi Bari Soomaaliya.

Mudane Xamsa oo garoonka kula hadlay dad tiro badan oo soo dhoweyntiisa isugu soo baxay ayaa yiri “ Waan idiinka mahadcelinayaa soodhoweyntiina , waxaanan idiin sheegayaa in aan idin jeclahay, waan wada joognaa, waxaanan idinkala qeybgalayaa dabaaldegga sanad guurada asaaska maamulka”.

Qaar ka mid ah wasaaraddaha Dan Qaran ayaa Waqooyi Bari ka furi doona adeegyo bulsho.

Ra’iisui Wasaare Xamse ayaa hoggaanka Waqooyi Bari kala qeybgali doonna kulan dadweyne oo loogu dabaaldegayo Sanad-Guurada Koowaad ee asaaskii maamulka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...