Soomaaliya oo tacsi u dirtay Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya

Date:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya kadib shilkii naxdinta lahaa ee bas kaas oo ka dhacay meel u dhow magaalada Boumerdes maaliintii Jimcaha aheyd, Shilkaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 25 qof iyo dhaawaca tobannaan kale.

Dowladda Soomaaliya waxay la qeybsaneysaa murugada qoysaska ay ehelladoodu ku geeriyoodeen shilkaas iyo bulshada ay saameysay, iyadoo garab taagan Dowladda iyo shacabka Aljeeriya xilligaan adag ee murugada leh.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhammaan dhaawacyada ku jira isbitaallada inay si degdeg ah oo buuxda u bogsadaan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa inay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya xilliyada adag ee murugada leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...