Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib ula wareegay deegaanka Sumadaale ee degmada Cadale, gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay fariisimo waaweyn ku lahaayeen kooxaha Khawaarijta.

Howlgalka ayaa ciidamada u suurtageliyay inay Khawaarijta ka saaraan godadkii iyo fariisimihii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo lagu soo warramayo in cadowgu uu halkaasi uga cararay jab xooggan. Ciidanka ayaa Khawaarijta ka saaray Godadkii ay ku jireen, waxaana ay sii baacsanayaan firxadka horjoogeyaashii iyo Maleyshiyaadkii goobta isaga cararay.

Ciidamada Qaranka ayaa weli sii wada baacsiga firxadka horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobta ka baxsaday, si loo xaqiijiyo amniga deegaanka loogana hortago isku day kasta oo ay kooxdu dib ugu soo laaban karto.

Howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta iyo dib u xaqiijinta amniga deegaannada ay hore uga howlgelayeen.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay xaqiijinayaan in gulufka ka dhanka ah Khawaarijta uu sii socon doono, si dalka looga ciribtiro kooxaha doonaya inay carqaladeeyaan nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Addis Abab kulan ku yeeshay

El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga CaalimiganMudane Abdisalam Cali, ayaa...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....