Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dawladda Hoose ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Maxamed Almowallad, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta Caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa Danjiraha uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha dib-u-dhiska Caasimadda, horumarinta adeegyada bulshada iyo qorshayaasha mudnaanta u leh Maamulka Gobolka Banaadir ee la xiriira horumarinta kaabayaasha muhiimka ah. Sidoo kale, wuxuu uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudiga kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaadato taageeridda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa adkeeyay muhiimadda ay Maamulka Gobolka Banaadir siinayaan xoojinta iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha Boqortooyada Sucuudiga ee ka shaqeeya barnaamijyada horumarinta, si ay uga qeyb qaataan hirgelinta mashaariic waaweyn oo wax looga qabanayo baahiyaha ka jira kaabayaasha dhaqaalaha, waddooyinka, bullaacadaha iyo adeegyada bulshada.

Dhankiisa, Danjire Almowallad ayaa bogaadiyay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda, isagoo ballanqaaday inuu sii xoojin doono fududeynta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Muqdisho iyo hay’adaha Boqortooyada Sucuudiga ee taageera mashaariicda horumarineed, si loo hirgeliyo qorshayaasha mudnaanta u leh Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...