Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan “U-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada ay Haweenku Hoggaamiyaan.”

Shirka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga dalka ee khataraha ka dhasha roobabka Super El Niño, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay doorka ururrada haweenka ee ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka.

Waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Deegaanka, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Haweenka, culimada Soomaaliyeed, iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka ee ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in iskaashiga dowladda, ururrada haweenka iyo bulshada uu muhiim u yahay dhismaha bulsho u adkaysata saameynta isbeddelka cimilada, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xoojinayo u-diyaargarowga iyo yaraynta khataraha musiibooyinka.

Shirkaan ayaa la filayaa inuu ka soo baxo talooyin iyo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka haweenka iyo diyaar-garowga qaranka ee Super El Niño.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...