Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Date:

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa digniin adag u diray dadka la shaqeeya ama u hoggaansama amarrada kooxda Khawaarijta ee ku sugan deegaannada gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin cid kasta oo si toos ah ama si dadban ula shaqeysa kooxda, isagoo xusay in bixinta xog, qaadashada amarro, ama fududeynta dhaqdhaqaaqyadooda ay yihiin falal ka dhan ah amniga shacabka iyo dowladda.

Korneyl Cali Cagey ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Hiiraan inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, kana fogaadaan wax kasta oo taageero u noqon kara Khawaarijta. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxda, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay la shaqeyneyso ama fulineyso awaamiirtooda.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa shacabka ku boorriyay inay door firfircoon ka qaataan sugidda amniga, iyagoo la wadaagaya ciidamada xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta, si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...