Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Date:

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Xarunta Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada New Delhi.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Danjiruhu waxa uu saxiixay buugga tacsida ee loo furay geerida Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, oo sidoo kale ahaa aabbaha Amiirka talada haya ee Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Danjiruhu waxa uu tacsi iyo tiiraanyo u diray Dowladda, shacabka iyo qoyska reer Al Thani, isagoo adkeeyay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar.

Safiirku waxa uu Alle uga baryay marxuumka in uu naxariistiisa Janno kawaraabiiyo , ehelka iyo shacabka Qatar-na samir iyo iimaan buuxa ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...