Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

Date:

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada Caalamka, ay xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay tuulada Goobo, oo qiyaastii 10 KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dib isugu urursanayeen firxadkii Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab, taasi oo ay Ciidanka Xoogga Dalka ku soo jabiyay dagaal shalay galab ka dhacay Deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn.

Warkan oo lagu daabacay Webka Wasaaradda ayaa lagu xusay in Duqeymahaasi lagu dilay 42 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka 12 kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay Gaari ciidan, fariisimo iyo difaacyo ay Khawaarijtu ka sameysteen Deegaanka.

Warku waxa uu intaasi kun darayaa in Howlgallada socda ay dhabar-jab xooggan ku noqotay Khawaarijta Al-Shabaab, iyadoo la wiiqay awooddoodii abaabul iyo dhaqdhaqaaq, iyadoo Bilihii la soo dhaafay, Khawaarijtu ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamka kala kulmayeen khasaare culus oo galaaftay boqolaal Maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Macawiisleyda Deegaanka, kuwaas oo si wadajir ah u jabiyay Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.

Warka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...