Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Date:

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Howlgalka ayaa lagu dilay toddobo dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjooge kaalin ku lahaa abaabulka maleeshiyaadka kooxda.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa burburiyay laba goobood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen tababarka iyo faafinta fikradaha xagjirnimada, kuwaas oo ay dadka ku marin-habaabin jireen kuna dhiirrigelin jireen falalka argagixisanimo.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha, maleeshiyaadka iyo xarumaha Khawaarijta, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Screenshot

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...