Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dib-u-dhis lagu sameynayo, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ku horumarinayso hey’adaha muhiimka u ah adeegga bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay laf-dhabar u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta ganacsiga, horumarinta wax-soo-saarka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo hufan.

“Xarunta Wasaaradda oo muddo 50 sano ah dhisnayd, kana muuqatay duugnimo, dib-u-dhiskeedu waa tallaabo muhiim ah. Wasaaraddani waxa ay kamid tahay wasaaradaha laf-dhabarta u ah Qaranka, waana albaabka loo maro ganacsiga iyo horumarinta wax-soo-saarka dalkeenna.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay tayeynta kaabeyaasha hey’adaha Qaranka, si loo dardargeliyo adeegyada ay shacabka u hayaan, loona xoojiyo fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee dalka.

“Dalkeennu wuxuu u jihaystay dhanka horumarka iyo kobcinta wax-soo-saarka, waxaana la filayaa in dhawaan ay dalka ka hirgalaan warshado badan oo ay leeyihiin maalgashadeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah oo dalka maalgashanaya.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan hirgelinta mashruucan dib-u-dhiska ah, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hey’adda iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...