Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tegay Wargaadhi

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa ciidamada ku bogaadiyey naf-hurnimada, geesinimada iyo guulaha ay ka soo hooyeen hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku adkeeyey inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda si dalka looga ciribtiro argagixisada.

Wasiirku waxa uu Carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay heegankooda iyo diyaargarowgooda, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duubnida iyo fulinta waajibaadkooda qaran si loo gaaro guulo waara.

Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalladu ay u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhanka dhulka ah oo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, laguna dhiirrigelinayo ciidamada ku sugan furimaha hore, isla markaana lagu xoojinayo isku-duwidda hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...