Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta amniga deegaannada KGS

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta amniga deegaannada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Qeybta 60-aad ee CXDS iyo saraakiil sare oo ka socday Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, adkeynta qorshayaasha lagu sugayo nabadgelyada, iyo dedejinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha amniga qalqal geliya, si loo xaqiijiyo xasilloonida deegaannada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...