Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Baydhaba u tegay ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), taas oo la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhaba, iyadoo ay ka soo qaybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...