Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha XFS oo Kulan wada jir ah ka Yeeshay Xoojinta Arrimaha Shaqooyinka Qaranka

Date:

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xamza Aadan Haadow, ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha XFS, kaas oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si loo xoojiyo isku duwidda iyo wada shaqeynta ka dhexeysa wasaaradaha dowladda.

Mudane Xamza Aadan Haadow ayaa Agaasimayaasha Guud ku soo dhoweeyey kulanka, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo isuduwidda hay’adaha dowladda.

Intii uu socday kulanka, Agaasimaha Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatax, ayaa jeediyey bandhig ku saabsan hab-maamuuska diblomaasiyadda.

Bandhigga ayaa iftiimiyey waajibaadka Wasaaradda ee isku duwidda xiriirrada dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro habraacyada diblomaasiyadeed ee lagu dhaqmo marka lala macaamilayo dowladaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah.

Agaasimayaasha Guud ee wasaaradihii ka soo qayb galay kulanka ayaa soo dhaweeyey bandhigga, iyagoo oo sheegay sida ay uga go’an tahay u hoggaansanaanta habraacyadaas diblomaasiyadeed marka la fulinayo hawlaha rasmiga ah ee dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta amniga deegaannada KGS

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto...

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...