Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Qarax Argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa qaraxii argagixisanimo ee lala beegsaday maqaaxi ku taalla magaalada Dimishiq ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, kaas oo sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca tiro kale oo badan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh la wadaagaysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, waxayna u rajaynaysaa dhammaan dadka dhaawacmay in uu Alle siiyo caafimaad degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag buuxa la garab taagan tahay Jamhuuriyadda Carabta Suuriya xilligaan adag, waxayna mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda ku aaddan amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Suuriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Munaasabadda sanad-guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...