Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf uu ku maamuusayay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda aan walaalaha iyo saaxiibka nahay ee Jabuuti u fadhinaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Cusmaan Dubbad Sugulle.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Danjiraha cusub mar kale ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo xusay in magacaabistiisu ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya iyo Jabuuti ay sii ballaarinayaan iskaashigooda dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta xiriirka hay’adaha dowladda.

Muungaab ayaa tilmaamay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay door taariikhi ah ku leedahay garab istaagga Soomaaliya, isagoo bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti ka qaateen dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya.

Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle, oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidamada Hiilwalaal ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho martiqaadka iyo soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isaga oo sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, si loo sii ambaqaado danaha iyo himilooyinka ay wadaagaan labada dal.

Casho-sharafta waxaa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Duubabka Dhaqanka, Waxgaradka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...