Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Date:

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay tababar caalami ah oo ku saabsan diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka.

Kulanka ayaa waxaa Soomaaliya kaga qaybgalay 25 xubnood oo ka kala socda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA),iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada.

Tababarka oo soconaya illaa 21-ka Luulyo ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee saadaasha, diyaar-garowga iyo ka-jawaabista masiibooyinka, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradda iyo farsamooyinka casriga ah ee Shiinaha.

Xubnahan ayaa waxaa Afar cisho ka hor ka sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo qaar ka mid ah Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada si ay ugu qayb qaataan tababarkan heerkiisu sarreeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...