Madaxweynaha Soomaaliya oo Xariga ka Jaray Xaruunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo si heer sare ah loo dhisay

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada Shacabka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso hirgelinta qorsheyaal lagu xaqiijinayo in dalku ka maarmo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, iyadoo mudnaanta la siinayo kobcinta dhaqaalaha gudaha, horumarinta wax soo-saarka iyo dhismaha hay’ado qaran oo isku filnaansho horseeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhulka danta guud, isaga oo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay dhowrista hantida qaranka iyo ka hortagga ku takrifalka dhulalka loogu talagalay adeegyada bulshada iyo horumarka mustaqbalka dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, taasi oo laf dhabar u noqon doonta qorshaha dowladda ee ilaalinta deegaanka iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...