Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Beledweyne kaga qeyb gelay munaasabadda lagu xusay 49-guurada ka soo wareegtay aas-aaska maalintii Jamhuuriyadda Jabuuti

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, ayaa Beledweyne kaga qeyb galay munaasabadda lagu xusay 49-guurada ka soo wareegtay maalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xornimada ka qaadatay gumeysigii Faransiiska.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Cismaan Dubad, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Maxamed Cali Xagaa, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka socday Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo masuuliyiin kale.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Beledweyne, ayaa lagu maamuusay 49-guurada xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale, waxaa lagu xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya ka qaadatay halgankii ay Jabuuti uga xoroobaysay gumeysigii Faransiiska iyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...