Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Date:

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Dowladdaha Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa Isfahamka iyo Is afgaradka (Memorandum of Understanding) ee u dhexmaray Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo u aragta tallaabo wanaagsan oo lagu yareynayo xiisadaha, laguna xoojinaayo wada hadallada, laguna adkeynayo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa labada dhinac inay doorteen diblomaasiyad iyo wada-xaajood, si loo dhimo xiisadaha loona horumariyo nabadda.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada wax ku-oolka ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo Jamhuuriyadda Türkiye ee taageeray horumarkan diblomaasiyadeed.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale aqoonsan tahay doorka muhiimka ah iyo dadaallada Madaxweyne Donald J. Trump ee lagu hormarinayo nabadda.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in is-fahamkan lagu dhaqangeliyo niyad wanaagsan, islamarkaana uu gacan ka geysto ilaalinta nolosha dadka rayidka ah, sugidda xorriyadda Maraakiibta iyo isu socodka Badda, iyo ka hortagga sii kordhista xiisadaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda ku aaddan diblomaasiyadda, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah.

Ugu dambeyn Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa dhammaan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Bariga Dhexe, Geeska Afrika, iyo gobolka Badda Cas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

WASIIRKA WARFAAFINTA OO WASAARADDA KU SOO DHAWEEYEY KU-SIMAHA SAFIIRKA...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...