Kulan looga hadlayay dardargelinta hawlaha qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Ali Yusuf Ali (Xoosh), ayaa guddoomiyay kulanka Guddiga Qabanqaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee sanadguurada 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Kulanka waxaa martigelisay Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda maalmahan qaran, weyneynteeda, sidii looga xusi lahaa gudaha iyo dibadda dalka, iyo dardargelinta howlaha qabanqaabada munaasabadaha ay ka qeyb qaadanayaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Waxaa kulanka ka qeyb galay xubnaha guddiga Golaha Wasiirrada, guddiyada farsamada, maamulka Banaadir iyo laamaha amniga ee ka shaqeynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Ciidanka Booliiska oo wada Hawlgallo Lagu Ciribtirayo Anshax-xumada iyo Falalka Lidka ku ah Dhaqanka

Ciidanka Booliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaaley, ayaa...

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...