Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun Cabdullaahi Karaama, Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimu oo gaaray magaalada Jalalaqsi ayaa bilaabay dadaallo lagu joojinayo colaadda halkaas ka taagnayd ee u dhexeysay laba maleeshiyo beeleed.
Masuuliyiintan ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan dhinacyadii dagaallamayey, isla markaana ay joojiyaan xabada iyo dagaalkii socday.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa sidii loo soo afjari lahaa colaadda dib uga soo cusboonaatay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
