Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Date:

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay abaaraha iyo caqabadaha nololeed ee ka jira deegaannadaas, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xaaladda sii xumaanaysa ee Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada (CHF), kaas oo dhawaan lagu qaban doono magaalada Baydhabo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa lagu gorfeeyey saameynta ka dhalan karta ifafaalaha cimilo ee loo yaqaan Super El Niño iyo fatahaadaha laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka Dayrta, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay u diyaar-garowga, xoojinta dadaallada ka hortagga musiibooyinka iyo yareynta khataraha ka dhalan kara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...