Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika ee ka socda magaalada Benghazi, Liibiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika Caqiila Saalax Ciise.
Wafdiga BJFS iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ayaa ka wada hadlay arrinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dowladda Liibiya iyo xarumo sharci darro ah oo lagu hayo laguna dhibaateeyo dhallinyaradaas, iyagoo qaarkood loola dhaqmo qaab ka bacsan bini’aadannimada, Wafdigu waxaa kale ee uu adkeeyay in dhallinyaradaas Soomaaliyeed ah ay ku sugan yihiin xaalado adag, islamarkaana ay muhiim tahay in loo helaan daryeel iyo xal degdeg ah oo lagula tacaalaayo xaaladdooda, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ayaa si diirran u soo dhaweeyay isla markaana ballan qaaday wax ka qabashada arrintaas, isagoo muujiyay inuu muhiimad gaar ah siinayo wax ka qabashada dhibaatooyinka Liibiya ku heysta dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna uu ballan qaaday inuu samaynayo guddi baarlamaani ah oo si gaar ah ula socda xaaladda dhallinyaradaas ku jirta xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo,
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Baarlamaannada Soomaaliya iyo Liibiya, is-dhaafsiga khibradaha dhinacyada sharci-dejinta, kormeerka, iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta baarlamaannada ee labada dal.

