Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Date:

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Sherif.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar ee dhinacyada kheyraadka badda, kalluumeysiga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd khibradda Masar ee horumarinta iyo maareynta kheyraadka badda.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo kor u qaada maal-gashiga wadajirka ah iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Masar ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR AHNA OO DAAH-FURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE DUGSIYADA DHEXE

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...