Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Date:

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of Rwanda) ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada sare iyo cilmi-baarista.

Heshiiska waxaa kala saxiixday Raktar-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Fu’aad Mire Xasan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Ruwaanda ee Qorshaynta Istaraatiijiga ah iyo Arrimaha Maamulka, Dr. Raymond Ndikumana.

Iskaashigan ayaa diiradda saaraya xoojinta wada-shaqeynta tacliimeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Ruwaanda, iyadoo la kobcinayo cilmi-baarista wadajirka ah, is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha, horumarinta awoodaha aqoonyahannada iyo ardayda, iyo sare u qaadista tayada waxbarashada sare. Sidoo kale, heshiiskan ayaa taageeraya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo barashada nabadda, xoojinta dib-u-heshiisiinta qaran, kobcinta wadajirka bulshada, iyo dhismaha jiilal ku barbaara qiyamka nabadda, dulqaadka, wada-noolaanshaha iyo muwaadinnimada masuulka ah.

Heshiiska ayaa ka dhashay booqasho shaqo iyo wada-hadallo istaraatiiji ah oo ay dalka Ruwaanda ku joogaan wafdi uu hoggaaminayo Raktar-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ah masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...