Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa munaasabad casho sharaf iyo sagootin ah ku maamuusay bahda warbaahinta, Hobollada Qaranka Waaberi iyo marti sharaf kale oo magaalada Jowhar u yimid ka qeybgalka xarig-jarka mashaariic kala duwan

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Hirshabeelle, Maxamed Shuuriye Nuur, ayaa Madaxweynaha hortiisa ku ammaanay saxafiyiinta iyo fanaaniinta doorka ay ka qaateen munaasabadihii lagu soo bandhigay horumarka ka socda Hirshabeelle.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Ismaaciil Mukhtaar Oronjo, oo goobta ka hadlay, ayaa sheegay in warbaahinta dowladda iyo tan madaxa-bannaan ay bulshada gaarsiiyeen muuqaallo muujinaya horumarka ka jira Jowhar.

“Warbaahinta Qaranka iyo tan madaxa-bannaan ee Jowhar timid waxay bulshada u gudbiyeen sawir dhab ah oo ka tarjumaya horumarka ka socda Hirshabeelle,” ayuu yiri Agaasime Oronjo.

Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Telefishinka Universal Cabdullaahi Xersi Kulmiye ayaa dhankiisa tilmaamay shaqo boogaadin mudan inuu madaxweynaha ka qabtay Hirshabeelle.

Sidoo kale, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaallada Qaranka Soomaaliyeed, Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guurre, ayaa waxqabadka Hirshabeelle ku tilmaamay mid muuqda oo si cad loo dareemi karo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in bahda warbaahinta ay door weyn ku leeyihiin gaarsiinta fariinta iyo horumarka Hirshabeelle.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay dhammaan martidii ka qeyb gashay munaasabadda taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...