Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka labada masuul waxaa diiradda lagu saaray is-xogwaraysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga lagu garab istaagayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xaaladaha bani’aadannimo iyo musiibooyinka kala duwan.

Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee Hay’adda SoDMA kuwaas oo salka ku haya maareynta musiibooyinka iyo gurmadka loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyaan abaaraha, daadadka iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.

Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, waxuu uga mahadceliyey Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq,booqashada uu ku yimid Hay’adda, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka culimada Soomaaliyeed ee ka qayb qaadashada wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdinasir Cabdi Caruush, iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi oo ka tirsan Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...