Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la qaatay agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda si dib loogu eego howlaha shaqo ee Wasaaradda loogana wada hadlo mudnaanta diblomaasiyadeed ee muhiimka ah.

Wasiirka ayaa agaasimayaasha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, isagoo sidoo kale bixiyay tilmaamo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gudaha Wasaaradda iyo hirgelinta himilooyinka siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta shaqada Wasaaradda, korna loogu qaadayo isku-duwidda howlaha, isla markaana lagu dardargelinayo fulinta ajendayaasha diblomaasiyadeed ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...