Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalladan oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa ciidamada ku bartilmaameedsadeen goobo ay Khawaarijtu lacago baad ah uga qaadi jireen shacabka ku nool deegaannadaas.

Geesiyaasha Danab, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgalka ka fuliyay deegaannada Warmaxan, Tasxiille, Shareey, 10-Buundo, Tabeellaha iyo aagga Donka, iyagoo baacsanayay firxadka kooxda.

Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen burburinta fariisimo iyo goobo gabaad u ahaa Khawaarijta, iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadaan howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...