Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha.

Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer mas’uuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan arrimaha dowlad-dhiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha cusub ku ammaanay khibraddiisa, dadaalkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay u adeegidda dalka, isaga oo muujiyey kalsoonida uu ku qabo in uu si hufan uga soo bixi doono waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in uu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka...

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo guddoomay Shahaadada Musharaxnimada

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah musharraxiinta...