Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yeman u fadhiya Soomaaliya, Mudane Faadil Cali Axmed Al-Xanak.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Fadl, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga soo jireenka ah, la-dagaallanka tahriibka, iyo arrimaha socdaalka, maadaama uu labada dal ka dhaxeeyo xiriir bulsho oo soo jiraan ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Yeman ay muddo dheer leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed, ganacsi iyo bulsho, kaas oo soo bilowday xilliyo fog, haddana ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sii xoojinta arrimaha amniga, ganacsiga, socdaalka dhanka dekadaha iyo cirka.
Danjiraha, oo ka mahadceliyey qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey guulaha Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee horumarka, amniga iyo dimuqraadiyadda , dhankoodana ay ku faraxsan yihiin jidka soo kabashada ee ay haatan ku socoto Soomaaliya.

