MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dadaallada Dowladdu ay ku horumarinayso adeegyada dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dhismaha casriga ah ee Wassaaradda Dhallinyaradu uu ka qiimo badanyahay dhismeyaal badan oo dowladda lagu tabarucay, halkan kan lagu dhisay dhaqaale, aqoon iyo maskax dad soomaaliyeed, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu astaan u yahay mudnaanta ay dowladdu siinayso awood siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaasi oo laf dhabar u ah horumarka, nabadda iyo mustaqbalka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabadda xarig-jarka ayaa sidoo kale, si qoto dheer uga hadlay guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka tooska ah, dhammaystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweyaha ayaa tilmaamay in iyada oo laga duulayo ballamihii shacabka Soomaaliyeed laga qaaday, mudnaan gaar ah la siiyay dhammaystirka Dastuurka dalka, isla markaana ajendeyaasha dowladda Federaalka ay ku saleysnaan doonaan Dastuurka la ansixiyay, iyada oo xil-haynta hay’adaha dowladda, kala dambeynta awoodaha iyo habraacyada dowladeedba laga tixraacayo Dastuurka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo matalaad dadweyne.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...